Xasan Shiikh,waxaa ku dhacay dharbaaxo xoog leh oo kaga timid Shidaalkii Turkigu baarayay.
Xog soo ururintii Turkigu ka waday Xeebaha ku aadan Galmudug,markay soo idlaatay oo Markabkii Turkigu soo maray Muqdisho,waxaa la yaab noqotay in Turkidu yiraahdeen…..”$3-Milyan oo naga raacday Shaqadii xog ururinta hada ha nala siiyo,waxaana laga soo qaaraamay Ganasatada Muqdisho”.
Taas marka laga soo tago rajadii Xasan ee ahayd in uu dhaqaale deg-deg ah ka helo Shidaalka,waxaa soo afjaray markii Maraykanku usheegay Turkiga in ay halkaas ku hakiyaan Shaqada.
“Xogta aad soo ururiseen,waan idinku sharfaynaa in aad marka hore Shaybaaradiina kusoo baartaan,kadibna kusoo wareejinaysaan Gacantayada,waxaana lagu baarayaa Shaybaar BP leedahay oo UK ah iyo mid kale oo Taksis Maraykanka ah”.Ayaa loo sheegay Turkiga.
Waxaa kaloo Turkiga loo sheegay kaliya Laba Baloog in la siin doono marka xogta la xaqiijiyo,sababtoo ah Dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba kuma filnidin soo saarida Shidaalka ku jira Badweynta Hindiya ee aadka udhibka badan,ayaa lagu yiri.
Xasan,wuxuu filayay marka qiimaynta ururinteeda lasoo gabagabeeyo in uu Turkiga ka helayo Lacag Dayn ah,balse taa badalkeeda,isagii,ayaa daalac loo soo raacday,waxaana arinka fashiliyay….
- Lacagta $3-Milyan ee Turkigu soo dalacda6 oo aan marnaba la filayn.
- Qiimayntii lasoo sameeyay xogteedii oo Maraykanku la wareegay.