Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo ka digay weeraro argagixiso oo ka dhaca Muqdisho
    Somalia

    Maraykanka oo ka digay weeraro argagixiso oo ka dhaca Muqdisho

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 27, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Mareykanka,ayaa mar kale digniin culus kasoo saartay suurtagalnimada weeraro argagixiso oo ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho.

    Qoraal kasoo baxay Mareykanka,ayaa waxaa lagu sheegay in ay suuragal tahay in weeraradaas lagu beegsado garoonka Aadan Cadde iyo Dekedda wayn ee Muqdisho.

    Mareykanka,ayaa ka digay in la tego goobaha ay isugu yimaadaan dadweynaha iyo xarumaha xukuumadda, sida lagu sheegay farriintan digniinta ah.

    Mareykankanku waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay adeegsan karto baabuur laga suu buuxiyay walxaha qarxa ama is-miidaamiin toos ah.

    Waxaa kale oo warbixintan lagu caddeeyay in digniintan ay tahay mid khatarteeda ay aad u sarreyso, loona baahan yahay in la sameeyo feejignaan dheeri ah.

    “Waxaa suuragal ah inay dhacaan weeraro argagixiso waxaa ku jiro in la adeegsado gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo qaraxyo ismiidaamin ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale yareysay dhaq-dhaqaaqa howlwadeenneedda ku sugan safaaradda magaalada Muqdisho, si looga taxadaro amnigooda.

    Digniintan ayaa la gaarsiiyay level-4 oo lagu macneeyay in aan loo soo socdaali karin Soomaaliya, iyada oo muwaadiniinta Mareykanka looga digay safaradaasi.

    Si kastaba, waxaa xusid mudan in inta badan digniinaha Mareykanka ay xigaan weeraro, inkasta oo mararka qaar ay weeraradaas ka dhacaan meelo aan aheyn goobaha laga digay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.