Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo ku amray Muuse Biixi in uu joojiyo dagaalka Laascaanood
    Somalia

    Maraykanka oo ku amray Muuse Biixi in uu joojiyo dagaalka Laascaanood

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 24, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowlada Maraykanka,ayaa dalbatay in Xabbad joojin deg-deg ah oo shuruud la’aan ah laga hirgeliyo Laascaanood.

    “Wada hadalo daacad ah oo saakay la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo ku saabsan khasaarihii naxdinta lahaa ee naf iyo maal ee ka dhacay Laascaanood,Maraykanku waxuu kula biirayaa Beesha caalamka baaqa ku aadan Xabbad joojin deg-deg ah oo shuruud la’aan ah iyo gar-gaar bini’aadantinimo oo aan caqabad lahayn”Ayaa lagu yiri war kasoo baxay Safaarada Maraykanka.

    Warkan,ayaa ka danbeeyay kulan dhexmaray Safiir ku xigeenka Safaarada Maraykanka ee Somaliya Tin iyo Muuse Biixi Cabdi.

    Dhankooda Maamulka Somaliland,ayaa xaqiijiyay kulanka iyo in laga wada hadlay amniga iyo arimaha Laascaanood.

    Dadka la socday kulankan,ayaa sheegaya in Muuse Biixi farta laga saaray warqad toos loogu sheegayo in uu joojiyo dagaalka.

    Sidoo kale weftiga ka socda Maraykanka,ayaa muujinaya markii la qiimeeyo maqaamkiisa in Somaliland ay lumisay tixgelintii caalamku uhayay oo hoos loo dhigay hanaankii diblomaasi ee lagula macaamiili jiray.

    Shacabka reer Laascaanood ee isdifaaca ku jira,ayuu warkan macno weyn uleeyahay.

     

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.