Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo wax ka badalay hawlgalkiisa Somaliya
    Somalia

    Maraykanka oo wax ka badalay hawlgalkiisa Somaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 9, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay xoojiyay weerarrada xagga cirka ah ee ay Mareykanka ka fuliyaan dalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in sannadkan 2019-ka ay sare u sii kacaan.

    La taliyaha dhinaca amaanka ee madaxweynaha Mareykanka John Bolton ayaa mar uu bishii Disembar jeedinayay khudbad ku saabsaneyd howlgalladooda ka dhanka ah kooxaha ay dagaalka kula jiraan ee ku sugan Afrika waxa uu yiri: “kooxaha argagixisada ah ee ka howl gala Afrika waxay si joogto ah u bartilmaameedsadaan muwaadiniinta Mareykanka ah iyo danaha dowladdeenna”.

    Waxa uu si cad u sheegay ineysan marnaba khafiifin doonin dagaalka ay kula jiraan kooxaha mintidiinta ah, sida xarakada Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay dalka Soomaaliya, oo xiriir toos ah la leh ururka Al-Qaacida.

    Bishii Maarso ee sannadii 2017-kii ayey waaxda gaashaan dhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ka heshay Aqalka Cad ansixin ku aaddan in la sii ballaariyo dagaalka ka dhanka ah kooxda xag jirka ah ee ku sugan waddanka ku yaalla geeska Afrika.

    Taliyeyaasha ayaan hadda u baahneyn iney fasax u raadsadaan duqeymaha waaweyn ee lala beegsado deegaannada ka tirsan gudaha Soomaaliya ee lagu tuhmo iney dagaallameyaasha Al-shabaab ku sugan yihiin ama dhaqdhaqaaqyo ka sameynayaan.

    “Waxay arrintaas noo samaxeysaa in inaan meelaha qaar u weerarno hab ka fiican sidii hore” ayuu yiri Janaraal Thomas Walhauser oo ka tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika, oo marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaanno (Africom).

    Ansixinta Aqalka Cad ayaa sii kordhisay duqeymaha loo adeegsado diyaaradaha, iyo sidoo kale in markii ugu horreysay ciidamo dhinaca dhulka ah la geeyo Soomaaliya tan iyo sannadkii 1993-kii.

    Ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya la geeyay ayaa dhinaca la talinta ka caawinaya ciidanka dowladda Soomaaliya.

    Africom ayaa sannadkii 2018-kii oo kaliya Soomaaliya ka fulisay 46 weerar oo xagga cirka ah, kuwaasoo la xaqiijiyay, halka sannadkii 2017-kiina ay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen 38 weerar, sida laga soo xigtay ururka baaritaanka saxaafadda ee (BIJ).

    Weerarrada qaarkood ayaa galaaftay nolosha dagaallameyaal fara badan oo isku meel ku sugnaa.

    Tusaale ahaan, ku dhawaad 60 ruux ayaa lagu dilay hal duqeyn oo 12-kii bishii Oktoobar ka dhacday meel u dhow degmada Xarardheere oo ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.
    Duqeyntaas ayaa ahayd tii ugu dhimashada badneyd ee la fuliyo muddo ku dhawaad 1 sano ah gudaheed.

    Xigasho BBC.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.