Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka Cutubyo ka tirsan Ciidamadiisa Badda u Daad Gureeyay Syria
    Somalia

    Mareykanka Cutubyo ka tirsan Ciidamadiisa Badda u Daad Gureeyay Syria

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 9, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada Mariinisika Mareykanka ayaa lagu daadgureeyey waqooyiga dalka Syria, si ay gacan uga gaystaan dagaalka la doonayo in magaalada Raqqa looga qabsado kooxda Daacish.

    Wargeyska Washington Post, oo markii ugu horreysay shaaca ka qaaday daadgureyntan, ayaa sheegay in tani ay astaan u tahay in Mareykanka uu sii kordhinayo ciidamada jooga dalka Syria.

    Ma jiro wax hadal ah oo rasmi ah oo kasoo baxay dowladda, hase yeeshee saraakiil ka tirsan milatariga Mareykanka ayaa wakaaladaha wararka qaarkood u xaqiijiyey jiritaanka ciidamadan la geeyey Syria.

    Ciidamada Mariiniska ayaa sidoo kale la geeyey magaalada Manbij oo 138 KM u jirta waqooyiga galbeed ee magaalada Raqqa, oo ah caasimadda khilaafada Daacish ay sheegtaan.

    Waxaa la rumeysan yahay in qiyaastii afar kun oo dagaalyahanno Daacish ah ay ku sugan yihiin gudaha magaalada Raqqa.

    Waaxda gaashaandhigga Mareykanka ayaa howlgalka Manbij ku qeexday mid looga hortagayo in kooxaha kala duwan ee halkaas ka jira ay is-weeraraan

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.