Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka Iyo K/Kuuriya oo dib u dhigay Dhoolatus Ciidan
    Somalia

    Mareykanka Iyo K/Kuuriya oo dib u dhigay Dhoolatus Ciidan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 17, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mareykanka iyo Kuuriyada Koofureed ayaa dib u dhigay dhoolatus ciidan oo ay dhaleeceeyeen Kuuriyada Waqooyi,kuwaas oo ku tilmaamay tallaabo la doonayo in lagu xoojiyo dadaalka nabadeed ee socda.

    Dhawaaqaan ayaa yimid manta oo Axad ah , ka dib markii xukuumadda Pyongyang ay dhowaan ku hanjabtay inay aargoosaneyso haddii dhoolatuska ciidan ee la qorsheeyay dabayaaqada bishan ay ku dhaqaaqaan Mareykanka iyo K/Kuuriya.

    Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Esper oo ka qeybgalay shir magaalada Bangkok  ee dalka Thailand’s  uga socday Wasiirada Gaashaandhigga dalalka Aasiya,ayaa sheegay in tallaabada dib u dhigista uusan u arki wax tanaasul ah,bale uu u arko dadaal lagu xoojinaayo nabadda.

    Seoul iyo Washington ayaa dib u dhaleeceeyay howsha dhawaanta, waxayna beddeleen magaca, laakiin Kuuriyada Waqooyi ayaa si adag u diidan, iyagoo ugu yeeray caddeyn muujineysa inaysan dan ka jirin hagaajinta xiriirka.

    Xukuumadda Pyongyang waxay si joogto ah uga soo horjeeddaa dhoolatuska militariga Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ,iyadoo u aragta colaad yo uulaan ka dhan ah.

    Kuuriyada Woqooyi ayaa dooneysaa in la qaado cunaqabateynta saran, laakiin Mareykanka ayaa ku adkeystay marka hore  in Mr.Kim uu joojiyo barnaamijkiisa hubka nukliyeerka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.