Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka oo cunaqabatey ku soo ragay hoggaamiyaha RSF
    Somalia

    Mareykanka oo cunaqabatey ku soo ragay hoggaamiyaha RSF

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 8, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mareykanka,ayaa ogaaday in Ciidamada fallaagada Suudaan iyo Maleeshiyaadka xulafada ah ay xasuuq ka geysteen Suudaan, waxaana uu cunaqabateyn ku soo ragau hoggaamiyaha kooxdaas kadib colaad ay ku dhinteen Kumanaan qof, Malaayiin kalena ay ku barakaceen.

    Cunaqabataynta,ayaa looga gol leeyahay in laga hortago hoggaamiyaha RSF iyo Qoyskiisa in ay u safraan Maraykanka iyadoo la xayirayo hantidooda.

    Tallaabooyinkan waxay dharbaaxo ku yihiin dadaallada RSF ee ah in ay hagaajiyaan sawirkooda iyo sheegashada sharciyadda, oo ay ku jirto dhisidda Dowladda rayid ah, iyadoo kooxda militarigau ay isku dayeyso inay ballaariso dhulka ay Gacanta ku hayso.

    Si kastaba ha ahaatee, RSF waxay dafirtay dambiyada ka dhanka ah rayidka waxayna sheeganeysaa in kuwa ku lugta leh dambiyada ay yihiin shaqsiyaad ka baxsan kooxda..Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in RSF iyo xulafadeeda ay sii wadeen weerarada ay ku hayaan dadka rayidka ah, isagoo intaa ku daray in dadka qaar loo dilay isirkooda, ayna beegsadaan haweenka iyo gabdhaha ka soo jeeda qowmiyadaha qaarkood oo loo geystay kufsi iyo noocyo kale oo galmo ah.

    Dowladda Mareykanka,ayaa horay cunaqabateyn ugu soo rogtay madax kale oo ay ku jiraan saraakiil ciidan, balse wax cunaqabateyn ah kuma soo rogin Maxamed Xamdan Dagalo (Xamiti), iyadoo ay socdeen dadaallo lagu doonayay in labada dhinac ay ku wadahadlaan bilihii lasoo dhaafay.

    “Maadaama uu yahay taliyaha guud ee RSF, Hemedti waxa uu mas’uul ka yahay xumaanta iyo falalka sharci darrada ah ee ciidamadiisa,” ayaa lagu yiri wa ka soo baxay waaxda maaliyadda ee Mareykanka.

    Mareykanka,ayaa sidoo kale cunaqabateyn ku soo rogay Toddobo Shirkadood oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta,isla markaana RSF ay hub ka iibsadaan.

    Xiagsho:-BBC

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.