Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka oo cunaqabatey ku soo ragay hoggaamiyaha RSF
    Somalia

    Mareykanka oo cunaqabatey ku soo ragay hoggaamiyaha RSF

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 8, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mareykanka,ayaa ogaaday in Ciidamada fallaagada Suudaan iyo Maleeshiyaadka xulafada ah ay xasuuq ka geysteen Suudaan, waxaana uu cunaqabateyn ku soo ragau hoggaamiyaha kooxdaas kadib colaad ay ku dhinteen Kumanaan qof, Malaayiin kalena ay ku barakaceen.

    Cunaqabataynta,ayaa looga gol leeyahay in laga hortago hoggaamiyaha RSF iyo Qoyskiisa in ay u safraan Maraykanka iyadoo la xayirayo hantidooda.

    Tallaabooyinkan waxay dharbaaxo ku yihiin dadaallada RSF ee ah in ay hagaajiyaan sawirkooda iyo sheegashada sharciyadda, oo ay ku jirto dhisidda Dowladda rayid ah, iyadoo kooxda militarigau ay isku dayeyso inay ballaariso dhulka ay Gacanta ku hayso.

    Si kastaba ha ahaatee, RSF waxay dafirtay dambiyada ka dhanka ah rayidka waxayna sheeganeysaa in kuwa ku lugta leh dambiyada ay yihiin shaqsiyaad ka baxsan kooxda..Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in RSF iyo xulafadeeda ay sii wadeen weerarada ay ku hayaan dadka rayidka ah, isagoo intaa ku daray in dadka qaar loo dilay isirkooda, ayna beegsadaan haweenka iyo gabdhaha ka soo jeeda qowmiyadaha qaarkood oo loo geystay kufsi iyo noocyo kale oo galmo ah.

    Dowladda Mareykanka,ayaa horay cunaqabateyn ugu soo rogtay madax kale oo ay ku jiraan saraakiil ciidan, balse wax cunaqabateyn ah kuma soo rogin Maxamed Xamdan Dagalo (Xamiti), iyadoo ay socdeen dadaallo lagu doonayay in labada dhinac ay ku wadahadlaan bilihii lasoo dhaafay.

    “Maadaama uu yahay taliyaha guud ee RSF, Hemedti waxa uu mas’uul ka yahay xumaanta iyo falalka sharci darrada ah ee ciidamadiisa,” ayaa lagu yiri wa ka soo baxay waaxda maaliyadda ee Mareykanka.

    Mareykanka,ayaa sidoo kale cunaqabateyn ku soo rogay Toddobo Shirkadood oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta,isla markaana RSF ay hub ka iibsadaan.

    Xiagsho:-BBC

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    September 26, 2025

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    September 24, 2025

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    September 24, 2025
    Latest Posts

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Jeneral Qalyare oo qarax Miino ku Geeriyooday

    Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Galkacyo oo la magacaabay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.