Saraakiisha amniga Puntland,ayaa xaqiijiyey in Mareykanku maanta labo duqeyn ka geystay Toga Baalade, meel ku dhow aagga Maraagade ee Buuraha Calmiskad.
Wararka,ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Puntland ay qorsheynayaan in ay gaaraan goobaha duqayntu ka dhaceen si loo si ay u xaqiijiyaan khasaaraha ka soo gaaray kooxda DCSH.
Duqayntan,ayaa dhacday xilli roobab culus ka da’ayeen Calmiskaad , taas oo hakad gelisay howlgaladii Ciidamada Puntland ay ka wadeen Buuraha Calmiskad.