Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka oo duqeyn culus la beegsaday Al-Shabaab
    Somalia

    Mareykanka oo duqeyn culus la beegsaday Al-Shabaab

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 20, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada milatariga Maraykanka ee qaaradda Afrika ayaa sheegay inay duqayn cusub la beegsadeen maleeshiyaadka ururka al-Shabaab iyaga oo taageeraya ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

    War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in kadib markii codsi ka yimid dawladda federaalka Soomaaliya ay ciidamada Maraykanku fuliyeen duqayn is-wada difaac ah oo lala beegsaday Al-Shabaab July 19-keedii.

    Duqaytntan ayaa AFRICOM sheegtay inay ka dhacday meel fog oo u dhow degaanka Hareeri Kalle oo 15km Koonfur ka xiga magaalada Galcad ee Gobolka Galguduud.

    Maraykanku waxa uu sheegay in duqayntan lagu dilay 5 ka tirsan maleeshiyaadka al-Shabaab, taasi oo lagu ogaaday kadib qiimayn ay wada sameeyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo taliska AFRICOM.

    AFRICOM waxay intaas ku dartay in qiimaynta hordhaca ah ay muuinayso inaan dad rayid ah ku dhimanin kuna dhaawacmin duqayntan. AFRICOM waxay sheegtay inay taxaddar weyn ka muujiso ilaalinta dadka rayidka oo qayb muhiim ah ka ah kobcinta amniga iyo xasilloonida Afrika.

    AFRICOM ayaa sheegtay in Soomaaliya ay muhiim u tahay amniga Bariga qaaradda Afrika. Waxay sheegtay in ciidamada Maraykanaku ay sii wadi doonaan tababarka, talo siinta iyo qalabaynta ciidamada ay iskaashiga leeyihiin si ay u helaan tasiilaadkii ay ku wiiqi lahaayeen al-Shabaab.

    AFIROCM waxay sheegtay inay sii wadi doono qiimaynta natiijada duqayntan, islamarkaana ay bixin doonto macluumaad dheeraad ah markii ay ku habboon tahay. Duqaynta ayaa duqaymaha Maraykanku ka gaystaya Soomaaliya sannadkan ka dhigaysa 14 duqaymood.

     

    Xigasho:-VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.