Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka oo kordhinaya taageerada amni ee uu siiyo Puntland
    Somalia

    Mareykanka oo kordhinaya taageerada amni ee uu siiyo Puntland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 11, 2020Updated:January 11, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Mareykanka ayaa ballan-qaadey inay kordhinayso taageerada dhinaca amniga ee ay siiso Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, kaddib kulan ay ku yeesheen Magaalada Boosaaso Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Safiirka Mareykanka Amb. Donald Yamamoto.

    Kulanka labada Masuul,ayaa lagu go’aamiyay qodobo dhowr ah oo quseeya amniga, ayna ugu weyneyd amniga xeebaha Puntland iyo la dagaalanka kalluumeysiga sharci-darada ah iyo Burcad-badeeda, Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaana isku afgartay;

    1. In Puntland u fasaxdo Baddeeda Ciidamada Maraykanka.

    2. In Maraykanku Puntland ka taageero la dagaalanka Kaluumaysiga sharci darada ah iyo burcad badeeda.

    Sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ku dhowaa kulanka Safiirka Mareykanka,ayaa balanqaaday in ay qalab dheeri ah ay siin doonaan Ciidanka PSF-ta Puntland oo taageero dhaqaale iyo tababar uu siiyo Mareykanka.

    Ciidanka PSF-ta oo kaashanaya Ciidanka Badda Puntland (PMPF) ay ka howlgali doonaan Badda Puntland o istiraaji u ah dhaq-dhaqaaqa gacanka.

    Qodobkan,ayaa ahaa midka kaliya ee Labada dhinac ku heshiiyeen kulankoodii.

    Ujeedka Maraykanka ee isticmaalka Biyaha Puntland, ayaa ah in uu xakameeyo lana socdo Maraakiibta dagaalka ee Iran, kuwaas oo sida wararku sheegayaan kusoo dhawaaday Biyaha Soomaaliya, gaar ahaan agagaarka xeebaha  Puntland iyo Somaliland.

    Sidoo kale, Mareykanka ayaa kala socon doona dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran, kuwaas oo dagaal kula jiraan Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo saaxiibo dhow la’ah Dowladda Mareykanka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.