Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka oo War kasoo saaray Dilkii Hoggaamiye Ku-xigeenka Kooxda Daacish (Akhriso)
    Somalia

    Mareykanka oo War kasoo saaray Dilkii Hoggaamiye Ku-xigeenka Kooxda Daacish (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 16, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    BOOSAASO (IDIL NEWS)-War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaarada Africa ee AFRICOM, ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday meel ku dhow tuulada Xiriiro ee Gobolka Bari lagu dilay Abdihakim Mohamed Ibraahim oo loo yaqaanay Dhoqob, kaasoo ahaa Hoggaamiye kuxigeenka Daacish.

    AFRICOM ayaa sheegtay in Ibraahim uu mas’uul ka ahaa howlgalada maalinlaha ah iyo qorsheynta weerarada ay geysato Kooxda Xagjirka ah ee Daacish.

    Abdihakim Dhoqob ayaa ahaa gacanta midig ee Sheekh C/qaadir Muumin, waxaa uu ka soo muuqday muuqaalo kooxda baahisay, isagoo ku sugan buuraleyda Gobolka Bari.

    Wasiirka Amniga Dowladda Puntland Abdisamad Mogamed Gallan ayaa sheegay in Abdihakim Dhoqob iyo nin la saarnaa gaariga lagu duqeyn duqeyn diyaaradeed, inkastoo aan la aqoonsan qofka la saarnaa gaariga.

    Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa waxaa hoggaamiye ka ah Sheekh C/qaadir Muumin oo horay uga soo goostay Al-Shabaab, waxaana uu bishii October sanadkii 2015 uu la galay bayco Hoggaamiyaha Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.