Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka oo war kasoo saaray duqeyn ka dhacday J/hoose
    Somalia

    Mareykanka oo war kasoo saaray duqeyn ka dhacday J/hoose

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 21, 2020Updated:January 21, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee AFRICOM, ayaa war kasoo saaray duqeyn ka dhacday deegaanka Bangeeni oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose, halkaasoo howlgallo qorsheysan maalin ka hor ku qaadeen Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee DANAB.

    War saxaafadeedka ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay saddex dagaalame ka tirsan Al-Shabaab, xilli ay isku dayayeen in Ciidamada Danab ku soo qaadaan weerar.

    Taliska Mareykanka Afrika ayaa sheegay in Ciidamada Amniga Soomaaliya ay hoggaanka howlgalada leeyihiin, iyagoo kaashanaya Ciidamada AMISOM, si Kooxda ku xiran Al-Qaacida ee Al-Shabaab loogala wareego dhulka ay gacanta ku heyso.

    Agaasimaha Howlgalada Taliska Mareykanka ee Afrika Gen. William Gayler ayaa sheegay in weerarkan cirka uu bartilmaameed u ahaa koox ka tirsan Al-Shabaab oo si toos ah khatar ugu ahaa Ciidamada iskaashanaya.

    Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in hadafka guud ee weerarada cirka ay yihiin kuwo dowladda Federaalka Soomaaliya lagu caawinayo, si jawi ammaan ah ay u siiso shacabka Soomaaliyeed, kana hor-istaagto ururada Al-Shabaab iyo Daacish inay isku ballaariyaan Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.