Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka oo xubno Shabaab ah ku dilay weerar ka dhacay Xarardheere
    Somalia

    Mareykanka oo xubno Shabaab ah ku dilay weerar ka dhacay Xarardheere

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 25, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Militariga Mareykanka,ayaa sheegayi in dukheyn cusub oo ay ka fuliyeen Somaliya ay ku dileen xubno ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

    Qoraal kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM),ayaa lagu sheegay in kadib codsi ka yimid dowladda federaalka in ayada oo la taageerayo Ciidamada xoogga dalka ay duqeyntan 23-kii Janaayo ka dhacday meel u dhow magaalada Xarardheere.

    Qoraalka ayaa intaas ku daray in qiimeyn horudhac ah ay sheegeyso in weerarka lagu dilay laba ka mid ah argagixisada Al-Shabaab. AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay in aanay jirin rayid dhaawac ama dhimasho uu kasoo gaaray weerarka.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi,ayaa shalay warbaahinta dowladda u sheegay in howlgal ay ka fuliyeen deegaan hoostaga Xarardheere ay ku dileen 39 ka mid ah Al-Shabaab. Ma cadda haddii labada dhacdo ay xiriiraan.

    Waa weerarkii labaad oo saddex maalmood gudahood ay Mareykanka ka fuliyaan Somaliya.

    AFRICOM,ayaa sidoo kale weerar ka dhacay magaalada Galcad ee gobolka Gaduud 20-kii Janaayo waxay ku dileen 30 ka mid ah Al-Shabaab.

    Galcad iyo Xarardheere ayaa waxaa dhowaan la wareegay ciidamada dowladda Somaliya oo taageero ka helaya dadka deegaanka, kadib sanado badan oo ay haysteen maleeshiyada Al-Shabaab.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.