Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka: Waxaan Farmaajo u sheegnay in uu ka haro dacwadda badda
    Somalia

    Mareykanka: Waxaan Farmaajo u sheegnay in uu ka haro dacwadda badda

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 22, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Kenya, ayaa sheegay in uu ka dalbaday madaxweynaha Soomaaliya in dacwadda badda lagu xaliyo meel ka abxsan maxkmadda caalamiga ah ee ICJ.

    Kyle McCarter oo wareysi siiyay wargeyksa ugu afka dheer dalka Kenya ee The Daily Nation ayaa lagu weydiiyay halka dowladda Mareykanka ay ka taagan tahay arrinta badda ee ay isku hayaan labada dal.

    “Arrinta waa in si dhaqsa ah wax looga qabtaa, waxaan kala shaqeynay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo Uhuru Kenyatta, sidii ay miiska wadhadalka u yimaadaan, aniguna waxaan tegay Magaalada Muqdisho, si aan Madaxweyne Farmajo uga la hadlo arrintan, waxaana ku iri isaga bax kiiska maxkamadda ,” ayuu yiri safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya.

    Kyle ayaa waxaa kale oo uu sheegay in caqabada ugu weyn ee hortaala madaxda Kenya iyo Soomaaliya ay tahay sidii looga adkaan lahaa ururka Al Shabaab, taas na ay tahay qaabka keliya ee looga faaideysan karo kheyraadka badda.

    Safiirka oo aan sheegin xilliga uu tegay Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha Kenya uu wado dedaalo lagu xallinayo arrintan.

    Dowladda Soomaaliya ma aysan shaacinin kullanka uu safiirka sheegay in uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya iyo xilliga uu dhacay.

    Isku day aan sameynay in aan arrintan wax ka weydiino dowladda ayaan wali inoo suuragelin.

    Dacwadda badda ee Kenya iyo soomaaliya aya ahortaala

    Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xassan Sheikh Maxamuud oo dhowr maalmood kahor ka hadlay dib u dhigista dacwadda badda ayaa sheegay in dowladda looga fadhiyo in shacabka ay siiso jawaab waafi ah oo ku aadan waxa ku dhacay dhageysiga dacwadda badda oo mar labaad dib loo dhigay isbuuc ka hor.

    “Maxaa ku dhacay dacwadii baddeena ee tiilay maxkamada ICJ? Shacabkeenu waxa ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sababta dib loogu dhigey?”ayuu Xasan Sheekh Maxamuud ku daabacay bartiisa Twitter-ka.

    Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale is weydiiyay in dib u dhigista dacwadda badda ay tahay mid hordhac u ah in meel aan maxkamada ahayn lagu galo dacwada.

    Maxkamadda oo horay u sheegtay in dhageysiga dacawdda la qaban doono bisha Nofeembar ee sandkan ayaa ka dib dalab kale oo Kenya ay gudbisay amaraty muddo hor leh oo ah bartamaha sanadka soo socdo.

    Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar oo isna dhawaan ka hadlay dib u dhigista dacwadda badda ayaa sheegay in xilliga loo asteeyay dhageysiga dacwadda badda ay tahay xilli aan u wanaagsaneyn Soomaaliya.


    Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda ee Soomaaliya Yusuf Garaad

    Yusuf Garaad”Ma jiro xilli Soomaaliya uga xun madasha hadda la qabtay oo ah usbuuca labaad ee June 2020, sida ay ballanta dhexdeennu ahayd waa xilli doorasho guud oo labada aqal ee baarlamaanYusuf Garaad
    Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda ee Soomaaliya

    “Ma jiro xilli Soomaaliya uga xun madasha hadda la qabtay oo ah usbuuca labaad ee June 2020, sida ay ballanta dhexdeennu ahayd waa xilli doorasho guud oo labada aqal ee baarlamaanka iyo Madaxweyne. Ballantaana waa ay og yihiin Kenya, qareennada labada dhinac iyo Garsoorayaasha ICJ”, ayuu ku qoray boggiisa Facebook-ga.

    Waxaa kale oo uu sheegay in u heellanaanta Dacwadda iyo Madaxbannaanida doorashada aysan u rooneyn ballanta la qabtay ee dhageysiga dacwadda badda.

    Inkastoo Dowladda Soomaaliya ay marwalba ku adkeysato in aysan wax wadahadal ka geli doonin dacwadda badda ayaa haddana waxaan la ogeyn dhab ahaanshaha kullankan uu sheegay safiirka iyo qaabka Madaxweyne Farmaajo uu uga falceliyay dalabka Mareykanka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.