Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Masar oo bilawday inay Gaaska ka soo dhoofsato Israel
    Somalia

    Masar oo bilawday inay Gaaska ka soo dhoofsato Israel

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 16, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Masar ayaa maalinnimadii Arbacada ahayd bilawday in ay gaaska dabiiciga ah ka soo dhoofsato ceelasha gaaska dabiiciga ah laga qodo ee Levanthian ee uu gacanta ku hayo guumaysiga Israaiil.

    Talaabadan ayaa daba socota heshiis ay xukuumadda Masar iyo Shirkadaha Noble energy ee uu fadhigeedu yahay dalka Maraykanka iyo Delek Group wada saxiixdeen sanadii 2019ka.

    Heshiiskan ayaa dhigaya in ay labadan shirkadood Masar usoo dhoofiyaan 85 trilyan oo litir oo gaaska dabiiciga ah 15ka sano ee fooda inagu soo haya gudohood.

    Gaaskan ayaa Masar loo soo marin doonaa dhuumaa shidaal ee isku xidha koonfurta Israaiil iyo jasiiradda Sinai kuwaas oo harabtoodii loo dhisay in shidaalka Masar loogu dhoofiyo Israaiil hasayeeshee ay gacan-ku-hayntooda iibsadeen labadan shirkadood ee heshiiskan qaybta ka ah sanadii 2018ka kadib 6 sano oo uu hakad galay adeegsiga dhuumahan.

    Gaaskan ayay xukuumadda Masar sheegtay in qayb kamid ah laga adeegsan doono gudaha Masar halka qayb kamid ahna loo dhoofin doono dalalka Yurub oo iyagu si wayn u doondoonaya badal ay kaga maarmaan gaaska ay ka soo dhoofsadaan Ruushka.

    Masuuliyiinta Israaiil ayaa dhaqan galinta heshiiskan ku tilmaamay horumarkii u balaadhnaa ee ku yimaada xidhiidhka labadan dhinac u dhexeeya tan iyo heshiiskii nabadeed ee ay saxiixdeen sanadii 1979ka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.