Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa Itoobiya loogu diiday Dekedda Cassab?
    Somalia

    Maxaa Itoobiya loogu diiday Dekedda Cassab?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 20, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    2018, ka dib Sannado cadowtinimo ay dhex taallay Eritrea iyo Itoobiya,ayaa soo afjarmay, ka dib markii uu awoodda la wareegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.Hogaamiyeyaasha labada dal ayaa ku kulmay Sacuudiga,waxayna saxiixeen heshiis nabadeed.

    Waddooyinka isku xira labada dal ayaa sidoo kale la furay, waxaana ka mid ah waddada isku xirta Cassab . Dhuunta shidaalka ee Asabir – Finfinnee ayaa la sheegay inay muhiin u tahay dhaqaalaha labada dal.

    Xilligaas saraakiisha Eritrea waxay sheegeen in dekedda Cassab ay diyaar u tahay inay hawlaheeda sii waddo, ayadoo saraakiisha gaadiidka ee Itoobiyana ay sheegeen in xaaladda waddada Cassab ay tahay mid wanaagsan.

    Taa waxaa ku xigay inuu qarxay dagaalka waqooyiga Itoobiya, Eritrea-na ay taageertay Itoobiya oo markaa la dagaallamaysay xoogagga Tigray.

    Labada dal waxay isku afgarteen inay ka wada shaqeeyaan dhowr mashruuc oo uu ku jiro in la yagleelo aagga wadajirka ah ee dhaqaalaha.

    Itoobiya waxay sannad kasta siisaa 1.5 bilyan oo dollar oo kiro ah dalka Jabuuti, taasoo ah kirada dekedda, sida ay BBCda u sheegeen dad u dhuundaloola.

    Haddaba su’aasha aisweydiinta mudan ayaa ah maxay Eritrea u diidday in Itoobiya ay u ogolaato isticmaalka dekedda Cassab.

    Xukuumadaha labada dal si cad ugama aysan hadlin sababta heshiiska ay labada dal gaareen aan loo dhaqan gelin.

    “Aad ayey ugu adag tahay in la ogaado sababta,waayo dhinacna kama uusan hadlin”Ayuu BBC u sheegay Qof ka gaabsaday in magaciisa la sheego.

    Khubaradu waxay sheegayaan in Itoobiya ay ka faa’iidi kartay dekedda Cassab, in ka yar kirada ay siiso Jabuuti.

    Xiriirka u dhaxeeya Itoobiya iyo Eritrea uma wanaagsana sidii uu ahaan jiray, ka dib markii heshiiska lagu gaaray Pretoria, khudbaddii uu Abiy Axmed kaga hadlay in ay bad helaanna kama farxinin Eritrea.

    Wuxuu sheegay in aysan ahayn in Itoobiya ay lumiso marinkeeda badda cas ayadoo ah dal ay ku nool yihiin 120 malyan oo qof. Taa waxay keentay in Itoobiya ay heshiis is faham la saxiixato Somaliland, kaasoo xiisad ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya.

    Xigasho:-BBC.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.