Indhaha Shacabka iyo maamulka Maraykanka,ayaa lagu soo jiheeyay Somalida ku nool gudaha iyo kuwa dalkiiba.
Laba baaris,ayaa hada ku socota oo kala ah….
1.Dadkii lunsaday Lacagtii taageerida danyarta Minisota.
2.Lacagaha loo diro Somaliya.
Baaristaas kadib,waxaa soo bixi kara talaabooyin Somalida caqabad ku noqon kara oo waxaa dhici karta…..
B.In la mamnuuco Xawaaladaha.
T.In Lacagihii horay Xawaaladuhu udireen laga daba tago Magacyadii lagu diray,taasoo si fudud looga dhex heli karo khaladaad lagu maxkamadayn karo masuuliyiinta xawaaladaha.
J.In Qofka Somaliga ah calaamad su’aal gaar ah la saaro isaga iyo mashruucuu wato.
X.In nacayb,sumcad xumo iyo fogayn Somalidu la kulanto.
Kh.In gelida siyaasada Maraykanka ilgaar ah lagu fiirsho markay timaado Somalida.
Xaalada taagan eedeeda,waxaa iska leh Somalida oo samaysay Laba Qodob….
B.Guuxooda oo ay ka dheereeyeen oo aysan ku darin caqli,deganaan iyo bisayl.
T.Dadka siyaasada Maraykanka ugalay oo udhaqmay sida kuwa siyaasada Somaliya ku jira oo kale.
J.Fursad lagu dhibaatayn karo oo ay siiyeen cunsuriyiinta.
Waxa ugu yar ee laga dhaxlayo weeraradan Somalida ku socda,waa in ugu yaraan Minisotadii ahayd Somaliyada Labaad lagu kala cararo.
