Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa ka dhalan kara Xariga Odayaasha iyo Siyaasiyiinta ee ay waddo Xukuumadda Madaxweyne Deni ? (Faallo)
    Somalia

    Maxaa ka dhalan kara Xariga Odayaasha iyo Siyaasiyiinta ee ay waddo Xukuumadda Madaxweyne Deni ? (Faallo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 5, 2020Updated:January 5, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamada Darajada kowaad ee Gobalka Bari ayaa maanta xukunno isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed ku riday Odayaal iyo Siyaasi bil ka hor lagu xiray Magaalada Boosaso, kuwaas oo dhaliilo u jeediyay Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

    Maxkamada ayaa xabsi muddo saddex bilood ah iyo ganaax lacageed oo dhan $500 ku riday Siyaasi Muuse Cali Jaamac, Nabadoon Cabdullaahi Yuusuf Buuxe iyo Nabadoon Cawad Aadan Maxamed.

    Halka laba sano oo xabsi iyo ganaax lacageed oo $1,000 ay maxkamadu ku riday Nabadoon Cabdicasiis Bayadhabo iyo Nabadoon Maxamuud Aadan Rooble.

    Hadaba Maxaa uu ka dhigan yahay Xukunkan ay ku riday Maxkamadda Gobalka Bari Siyaasiyiinta iyo Odayaasha ?

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa xaligii uu ku jiray olalaha Doorashada Madaxtinimada ku dhiliili jiray Xukuumaddii Madaxweynihii ka horeeyay Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, caburinta iyo xariga Odayaasha dhaqanka, isagoona xiligaas ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

    Madaxweyne Deni ayaa xilli uu isaga oo Musharax ah kasoo degay Magaalada Boosaaso bishii November 2018-kii, yiri “Yaan la hadlin cidna laga yeeli maayo” taas oo uu muuqatay mid uu ugu muujinayay Bulshada Puntland inuu doonayo in lagu taageero qorshihiisa Musharaxnimo.

    Madaxweynaha oo si gaar ah ugu durayay xilgaas Madaxweynihii talada hayay Dr. Gaas xaalada Magaalada Boosaaso, gaar ahaan arrimaha Dekedda Boosaaso ayaa xusay in Dadku ay xaq u lee yihiin inay ka hadlaan arrimaha masiiriga ah, waxaana uu intaas ku daray “Waa laga yimi xiligii Dad-yar Talada iyo go’aamada Dalka Qol-Mugdig ah kugaari jireen”.

    Dadka odorasa Siyaasadda Puntland ayaa aaminsan in Madaxweyne Deni uu qaaday waddo ka daran tii uu ku dhaliilayay Madaxweynihii ka horeeyay Dr. Cabdiweli Gaas oo caan ku ahaa in Bulshadu si furan u dhiliili jireen Maamulkiisa, iyadoo uusan jirin cid inta badan loo xiray.

    Sidoo kale, Khuburada Siyaasadda ayaa qaba in cawaaqibyo aan la mahdin doonin ay ka dhalan karaan xariga Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Puntland ee ay sanadkii kowaadba bilowday Xukuumadda Madaxweyne Deni, iyagoona ka digay in talaabooyinkaas ay dhaawici karaan Xasiloonida Siyaasadeed iyo mida amni ee Dowladda Puntland, oo haatan wajahaysa dagaalo uga imaanaya meelo ka baxsan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.