Ilo 60% la aamini Karo xogahooda,ayaa sheegaya in horjoogihii argagixisada Daacish ee A.Muumin si qarsoodi ah lagu geeyey Doha Qatar.
Bilowgii dagaalka Calmiskaad,ayaa loo badinayaa in laga qaaday meel ka mid ah Xeebaha Soomaaliya.
Waxaa socda baaritaano ay wadaan jihooyin kala duwan oo ku qotoma….
1.Xaqiijinta xogtan.
2.Xeebta laga qaaday.
3.Xilliga la qaaday.
4.DFS in ay wax ka ogayd.
Horay,waxay Dowladda Qatar uga qaaday Xamar hogaamiyihii argagixisada AS ee Calmadow Atam,iyadoo DFS ay fududaysay qaadistaas.
Sidoo kale Qatar,waxaa horay ugu cadaatay dilkii wakiilkii DP WORLD ee Bosaso,kadib markii saxaafada Maraykanku soo bandhigtay Taleefoon ay kuwada hadlayeen Madaxda Qatar oo ay ku qiranayeen dilkaas.
Qatar,waxay isku dayday sanadkii hore in ay dhexdhexaadiso AS iyo DFS maadaama ay Labada dhinacba xiriir la leedahay,waxaase hor istaagay Dowlada Maraykanka.
Ujeedka Qatar ay ka lahayd wadahadalo ay ufurto AS iyo DFS,waa in dib loo celiyo Dowlada Somaliya sidii dhacday xilligii Mw Cabdullaahi Yuusuf iyo Maxkamadihii.
Maalin ka hor Madaxwenihii hore ee PL Faroole,ayaa ka hor sheegay Seneterada Aqalka sare ee Fadaraalka in Atam ku dilay PL 180-Qof,isla markaana khasaare dhaqaale oo xoog leh gaarsiiyay,wuxuuna ka dalbaday Villa Somaliya in ay magdhowgii dhibkaas Qatar lagula xisaabtamo,maadaama ay iyadu qaadatay horjoogihii dhibka gaystay,taasoo hoosta ka xariiqaysa in markii horaba iyadu soo dirtay.
