Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Maxaa ka jira in hogaamiyihii argagixisada Daacish loo qaaday Qatar?
    Puntland

    Maxaa ka jira in hogaamiyihii argagixisada Daacish loo qaaday Qatar?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 8, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ilo 60% la aamini Karo xogahooda,ayaa sheegaya in horjoogihii argagixisada Daacish ee A.Muumin si qarsoodi ah lagu geeyey Doha Qatar.

    Bilowgii dagaalka Calmiskaad,ayaa loo badinayaa in laga qaaday meel ka mid ah Xeebaha Soomaaliya.

    Waxaa socda baaritaano ay wadaan jihooyin kala duwan oo ku qotoma….

    1.Xaqiijinta xogtan.
    2.Xeebta laga qaaday.
    3.Xilliga la qaaday.
    4.DFS in ay wax ka ogayd.

    Horay,waxay Dowladda Qatar uga qaaday Xamar hogaamiyihii argagixisada AS ee Calmadow Atam,iyadoo DFS ay fududaysay qaadistaas.

    Sidoo kale Qatar,waxaa horay ugu cadaatay dilkii wakiilkii DP WORLD ee Bosaso,kadib markii saxaafada Maraykanku soo bandhigtay Taleefoon ay kuwada hadlayeen Madaxda Qatar oo ay ku qiranayeen dilkaas.

    Qatar,waxay isku dayday sanadkii hore in ay dhexdhexaadiso AS iyo DFS maadaama ay Labada dhinacba xiriir la leedahay,waxaase hor istaagay Dowlada Maraykanka.

    Ujeedka Qatar ay ka lahayd wadahadalo ay ufurto AS iyo DFS,waa in dib loo celiyo Dowlada Somaliya sidii dhacday xilligii Mw Cabdullaahi Yuusuf iyo Maxkamadihii.

    Maalin ka hor Madaxwenihii hore ee PL Faroole,ayaa ka hor sheegay Seneterada Aqalka sare ee Fadaraalka in Atam ku dilay PL 180-Qof,isla markaana khasaare dhaqaale oo xoog leh gaarsiiyay,wuxuuna ka dalbaday Villa Somaliya in ay magdhowgii dhibkaas Qatar lagula xisaabtamo,maadaama ay iyadu qaadatay horjoogihii dhibka gaystay,taasoo hoosta ka xariiqaysa in markii horaba iyadu soo dirtay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.