Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa ka jira in uu Khilaaf soo kala dhex-galay Madaxweyne Farmaajo iyo RW kheyre ?
    Somalia

    Maxaa ka jira in uu Khilaaf soo kala dhex-galay Madaxweyne Farmaajo iyo RW kheyre ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 25, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayay qoraalo lagu sheegayey in uu jiro khilaaf xoogan uu u dhaxeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre.

    Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in uu jiro khilaafkaas,waxaana ka mid ah xildhibaan Cabdi Shakuur Cali Mire,waxana uu sheegay in uusan waxba ka jirin khilaafka la sheegay in uu u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.,

    Xildhibaan Cabdi Shakuur oo ka mid ah Xildhibaanada u dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid ay soo abaabuleen dad mucaarad ku ah dowladda,isla markaana uusan waxba ka jirin.

    “Waxyaabo badan oo inaga qaldamay waxaa sabab u ah bulshadeena oo u nugul faafinta wararka been abuurka ah iyo xogo aan la hubin oo dadka Shacabka ah lagu marin habaabiyo,sidaan ogahay waxa ay noqotay awooda kaliya ee mucaaradku adeegsadaan ayuu yiri Xildhibaanka”

    Wararka lagu faafiyey Baraha Bulshada ee ku aadan in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaanan weli ka hadlin Madaxyooyada Soomaaliya sidoo kale waxaa jirin khilaaf rasmi ah oo soo baxay marka laga reebo qoraalada dadka qaar ay soo dhigayeen Baraha Bulshada.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    June 21, 2025

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    June 21, 2025

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    June 21, 2025
    Latest Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.