Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa kala socota qorshaha Mareykanka ee isku xirka saldhigyada Balli-doogle iyo Camp Lemonnier ?+Warbixin
    "The Hangar" at MCAF Beledogle Somalia. Marines from the Air Combat Element (ACE) of Marine Forces Somalia cleared out tons of debris, dirt, and bats that had inhabited the hangar. This structure served as the ACE Headquarters building and maintenance facility.
    Somalia

    Maxaa kala socota qorshaha Mareykanka ee isku xirka saldhigyada Balli-doogle iyo Camp Lemonnier ?+Warbixin

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Mareykanka ayaa isku xireysa Saldhigyada ay ku leedahay dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti,waxaana socda qorshe dhowr ah oo arrintaas la xiriira.

    Dib u dhiska lagu sameynayo Garoonka Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Balli doogle oo uu hadda degganyahay Mareykanka ayaa waxaa ka mid ah isku xirka dhinaca Internetka ee labada saldhig.

    Wargeyska Indian Newsletter ayaa baahiyay in sharikad Isgaarsiineed oo laga leeyahay dibadda ay qaadaneyso qandaraaska isku xirka saldhigyada Balli Doogle iyo Camp Lemonnier  ee Soomaaliya iyo Jabuuti ku kala yaalla.

    Wargeyska kale ee laga leeyahay dalka Mareykanka laguna magacaabo Foreign Policy, ayaa Bishii January ee sanadkan wariyay in Mareykanka uu dhisayo Waddo dhinaca dhulka ah oo isku xirta labada saldhig.

    Wasaaradda difaaca Dalka Mareykanka ayaa iyaduna sanadkan sheegtay in dib u dhiska Saldhigga Balli doogle ku bixineyso una qoondeysay $12Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

    Mareykanka ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu Soomaaliya u soo dirayo 450 Askari oo Mareykan ah kuwaas oo ka qeybqaadanaya howlgalka u adkeysiga xorriyadda ee uu Mareykanka ka wado qaaradda Afrika.

    Saldhiggan ayaa waxaa uu 30kii Bishii la soo dhaafay ee September uu weerar kala kulmay  Al-shabaab,waxaana dowladda Mareykanka ay sheegtay in weerarkaas uu kaga dhaawacmay hal askari.

    Al-shabaab oo mas’uuliyadda weerarka sheegatay ayaa ku faantay in weerarkaas ay ku dishay 121 Askari oo Mareykan ah iyo shaqaale ka badan afartan oo ka tirsan Qaramada Midoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.