Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa kala socota qorshaha Mareykanka ee isku xirka saldhigyada Balli-doogle iyo Camp Lemonnier ?+Warbixin
    "The Hangar" at MCAF Beledogle Somalia. Marines from the Air Combat Element (ACE) of Marine Forces Somalia cleared out tons of debris, dirt, and bats that had inhabited the hangar. This structure served as the ACE Headquarters building and maintenance facility.
    Somalia

    Maxaa kala socota qorshaha Mareykanka ee isku xirka saldhigyada Balli-doogle iyo Camp Lemonnier ?+Warbixin

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Mareykanka ayaa isku xireysa Saldhigyada ay ku leedahay dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti,waxaana socda qorshe dhowr ah oo arrintaas la xiriira.

    Dib u dhiska lagu sameynayo Garoonka Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Balli doogle oo uu hadda degganyahay Mareykanka ayaa waxaa ka mid ah isku xirka dhinaca Internetka ee labada saldhig.

    Wargeyska Indian Newsletter ayaa baahiyay in sharikad Isgaarsiineed oo laga leeyahay dibadda ay qaadaneyso qandaraaska isku xirka saldhigyada Balli Doogle iyo Camp Lemonnierย  ee Soomaaliya iyo Jabuuti ku kala yaalla.

    Wargeyska kale ee laga leeyahay dalka Mareykanka laguna magacaabo Foreign Policy, ayaa Bishii January ee sanadkan wariyay in Mareykanka uu dhisayo Waddo dhinaca dhulka ah oo isku xirta labada saldhig.

    Wasaaradda difaaca Dalka Mareykanka ayaa iyaduna sanadkan sheegtay in dib u dhiska Saldhigga Balli doogle ku bixineyso una qoondeysay $12Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

    Mareykanka ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu Soomaaliya u soo dirayo 450 Askari oo Mareykan ah kuwaas oo ka qeybqaadanaya howlgalka u adkeysiga xorriyadda ee uu Mareykanka ka wado qaaradda Afrika.

    Saldhiggan ayaa waxaa uu 30kii Bishii la soo dhaafay ee September uu weerar kala kulmayย  Al-shabaab,waxaana dowladda Mareykanka ay sheegtay in weerarkaas uu kaga dhaawacmay hal askari.

    Al-shabaab oo masโ€™uuliyadda weerarka sheegatay ayaa ku faantay in weerarkaas ay ku dishay 121 Askari oo Mareykan ah iyo shaqaale ka badan afartan oo ka tirsan Qaramada Midoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.