Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa kasoo baxay kulanka Natanyahu iyo Biden?
    Somalia

    Maxaa kasoo baxay kulanka Natanyahu iyo Biden?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 21, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden,ayaa Arbacadii kula kulmay magaalada New York ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, si uu ugala hadlo qodobo ay ka mid yihiin tallaabooyinka deegaan ballaadhsiga ah ee ay Israa’iil ka waddo daanta galbeed ee la haysto, iyo isku dayada uu doonayo inuu wax kaga bedelo nidaamka garsoorka ee dalkaas, kuwaas oo dhaleecayn xooggan kala kulmay shacabka dalkaas.

    “Waxaan doonaynaa inaan ka wada-hadalno qaar ka mida arrimaha ugu ad-adag” ayuu yidhi madaxweyne Biden, isaga oo u digay Netanyahu, inkasta oo uu markale dib u xaqiijiyey in taageerada Maraykanka ee Israa’iil inay tahay “mid gun dheer”.

    Hoggaamiyayaasha Israa’iil ayaa caadiyan lagu casumi jiray aqalka cad ee dalka Maraykanka, toddobaadyo ka dib marka ay xilka qabtaan, hase ahaatee kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee Biden uu la yeesho Netanyahu, taasoo ku soo beegmaysa, sagaal bilood ka dib markii uu ra’iisal wasaaraha Israa’iil soo dhisay xukuumaddiisa dhinaca midig u janjeedha.

    Mowqifyada ad-adag ee xukuumadda Netanyahu ee ay kula dhaqmaan shacabka Falastiin iyo dedaaladiisa uu doonayo inuu hoos ugu dhigo awoodaha garsoorka ayaa keenay in Biden uu dib u dhigo kulanka uu la qaadan lahaa Netanyahu.

     

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.