Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa la jira in Mareykanku uu ciidamadiisa kala baxay Ciraaq ?
    Somalia

    Maxaa la jira in Mareykanku uu ciidamadiisa kala baxay Ciraaq ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 7, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa beeniyey in ciidamada Mareykanka ay kasoo baxayaan Iraq, kadib markii sidaas lagu sheegay warqad loo diray militariga Iraq.

    Sidoo kale sarkaalka ugu sarreeya militariga Mareykanka ayaa sheegay in warqadda oo kasoo baxday sarkaal militari oo ku sugan Iraq ay ahayd mid si qaldan loo qoray.

    “Ma jiro wax go’aan ah, wuxuu doono ha ahaadee oo Iraq looga soo tagayo” ayuu yiri Esper. “Ma jiro wax go’aan ah oo aan kusoo baxeyno, mana aynan soo saarin wax qorshooyin ah oo aan uga soo tageyno.”

    Warqadda oo Isniintii aad u wareegeysay twitter-ka, ayaa waxaa dowladda Iraq u diray sarkaal Mareykan ah ah oo dalkaas ku sugan.

    Taliyaha ayaa warqadda ku yiri “dowladda Mareykanka waxay xushmeyneysaa go’aanka ay ku amartay ciidameena inay baxaan”, wuxuuna intaas ku daray in maalmaha iyo toddobaadyada soo socda ay isku qaabeyn doonaan inay dhaqaaqaan.

    Jeneral Mark Milley oo ah taliyaha sare ee ciidamada Mareykanka ayaa weriyayaasha u sheegay in warqadda ay ahayd qabyo qoraal, aan loogu talo-gelin in la baahiyo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.