Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa laga filayaa Shirka aan loo dhameyn ee maanta ka furmay Muqdisho ? (Warbixin)
    Somalia

    Maxaa laga filayaa Shirka aan loo dhameyn ee maanta ka furmay Muqdisho ? (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 1, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka furmay Shirka 4-aad ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, kaas oo ka maqaam hooseeya Saddexdii Shir ee kan ka horeeyay.

    Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo ah mid si qoto dheer looga hadlo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan Siyaasadda, Amniga iyo Dhaqaalaha, ayaa waxaa haatan hareeyay khilaafyada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

    Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ayaa Shirkan qaadacay, taas oo sababtay in Beesha Caalamkuna hoos u dhigto maqaamka dadka uga qeyb-galaya, iyadoona ay hareeyeen walaacyada ku aadan inaan Shirkan daacad loo aheyn.

     Amb. Maxamed Caalim oo ah aqoonyahan, kana faalooda arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee maanta ka furmay Muqdisho uu yahay mid aan waxba soo kordhinayn, maadama Madaxda Dowladda Federaalka ay ku fashilmeen in la dhaqan-geliyo Qodobadii lagu heshiiyay shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay Brussels.

    โ€œShirkan ma ah mid wax soo kordhinaya sababtoo ah Madaxda Villa Soomaaliya waxa ay ku fashilmeen in ay abuuraan Siyaasad loo dhan yahay oo kamid aheyd qodobadii shirarkii hore lagu heshiiyay, waxaana muhiimad la,aanta Shirkan kuu cadeynaya in aysan kasoo qeyb-galin qaar kamid ah Dowlad Gobaleedyada, sida Puntland oo ah Degaanka kaliya ee Hanaan Dowladeed iyo Nabad ka jirto, marka laga soo tago Somaliland oo iyadu ku dhawaaqday 28 sanno kahor gooni isku tagโ€ ayuu yiri amb. Maxamed Caalim.

    Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay ku fashilmeen wada-shaqeyn ay la yeeshaan Dowladaha xubnaha ka ah DFS, taas oo sababtay in habacsanaan ay ku timaado Dadaaladii loogu jiray xoojinta Hanaanka Dowliga ah, sida dhameystirka Dastuurka KMG ah, Dhismaha Ciidan Qaran, Qeyb-siga Khayraadka Badda iyo in dalka la gaarsiiyo Doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020-ka.

    Si kastaba ha ahaatee, Shirkan maanta ka furmay Muqdisho ayaa loo arka mid aan waxba soo kordhin doonin, kana soo bixi doonin Wax muhiim ah, maadama uu yahay mid aan loo dhameen, sidoo kalena aysan jirin wax ka fulay Qodobadii kasoo baxay Shirkii ka horeeyay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.