Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa laga helay Guriga Biden baaritaan socday Afar Saac kadib ?
    Somalia

    Maxaa laga helay Guriga Biden baaritaan socday Afar Saac kadib ?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 2, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Bayaan uu soo saaray,ayuu Qareenka Biden ku sheegay in baaritaanka Arbacadii uu ahaa mid qorsheysan, iyadoo madaxweynaha uu taageero buuxda ka ahaa.

    Baaritaanka guriga oo socday ku dhawaad afar saacadood ayaa wuxuu la xiriiray baaritaan ballaaran oo ku saabsan maaraynta dukumentiyada xasaasiga ah.

    FBI-da kama aysan hadlin baaritaanka. Maadaama aysan jirin amar baaritaan, ee uu ahaa ogolaansho uu madaxweynuhu bixiyey.

    Qareenka Mr Biden, Bob Bauer, ayaa sheegay in baaritaanka la sameeyay “iyadoon wax ogaysiis hore ah loo siin dadweynaha” si loo dhowro “amniga shaqada iyo sumcadda”.

    Ka dib baaritaanka – oo socday inta u dhaxaysay siddeedii subaxnimo iyo bar ilaa 12-ka duhurnimo wakhtiga maxalliga ah ee Maraykanka – ayaa Mr Bauer wuxuu sheegay in “wax dukumeenti ah oo ku suntan sir; aan laga helin guriga”.

    Qaar ka mid ah “qalabka iyo qoraallada gacanta lagu qoray” oo u muuqda inay taariikhda inta Mr Biden uu ahaa madaxweyne ku xigeenka ee u dhaxaysay 2009 iyo 2017 ayaa loo qaaday “dib u eegis dheeri ah”, ayuu Mr Bauer sii raaciyay.

    Baaritaanka ayaa ah kii ugu dambeeyay baaritaanno isdaba joog ah oo laga sameeyay meelo kala duwan, kadib markii dukumiintiyo sir ah laga helay Xarunta Penn Biden – oo ah meel xafiis – oo ku taal Washington DC bishii Nofembar. Tan oo markaas aan dadweynaha loo soo bandhigin.

    Baaritaanno la sameeyay bishii Disembar iyo Janaayo ayaa Dukumiintiyo badan lagaga helay guri kale oo Mr Biden uu leeyayah kaas oo ku yaal Wilmington, Delaware,.

    Tirada saxda ah ee diiwaannada sirta ah ee la helay ayaan weli caddayn – in kasta oo ugu yaraan daraasiin la helay intii lagu jiray baadhitaannada bishii dhamaatay ee Jannaayo oo keliya.

    Mr Biden waxa uu sheegay in kooxdiisu ay samaysay “waxa ay ahayd in ay sameeyaan” iyaga oo si degdeg ah ugu wargaliyay saraakiisha, iyo in ay si buuxda ula shaqaynayaan baaritaanka.

    Ka dib baaritaanadii ugu horreeyay ee Janaayo, Mr Biden wuxuu u sheegay saxaafadda in galalku ay ku jireen garaash qufulan.

    “Ma aha in ay jidka iska yaalleen,”Ayuu yiri Biden.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.