Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa laga helay Guriga Biden baaritaan socday Afar Saac kadib ?
    Somalia

    Maxaa laga helay Guriga Biden baaritaan socday Afar Saac kadib ?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 2, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Bayaan uu soo saaray,ayuu Qareenka Biden ku sheegay in baaritaanka Arbacadii uu ahaa mid qorsheysan, iyadoo madaxweynaha uu taageero buuxda ka ahaa.

    Baaritaanka guriga oo socday ku dhawaad afar saacadood ayaa wuxuu la xiriiray baaritaan ballaaran oo ku saabsan maaraynta dukumentiyada xasaasiga ah.

    FBI-da kama aysan hadlin baaritaanka. Maadaama aysan jirin amar baaritaan, ee uu ahaa ogolaansho uu madaxweynuhu bixiyey.

    Qareenka Mr Biden, Bob Bauer, ayaa sheegay in baaritaanka la sameeyay “iyadoon wax ogaysiis hore ah loo siin dadweynaha” si loo dhowro “amniga shaqada iyo sumcadda”.

    Ka dib baaritaanka – oo socday inta u dhaxaysay siddeedii subaxnimo iyo bar ilaa 12-ka duhurnimo wakhtiga maxalliga ah ee Maraykanka – ayaa Mr Bauer wuxuu sheegay in “wax dukumeenti ah oo ku suntan sir; aan laga helin guriga”.

    Qaar ka mid ah “qalabka iyo qoraallada gacanta lagu qoray” oo u muuqda inay taariikhda inta Mr Biden uu ahaa madaxweyne ku xigeenka ee u dhaxaysay 2009 iyo 2017 ayaa loo qaaday “dib u eegis dheeri ah”, ayuu Mr Bauer sii raaciyay.

    Baaritaanka ayaa ah kii ugu dambeeyay baaritaanno isdaba joog ah oo laga sameeyay meelo kala duwan, kadib markii dukumiintiyo sir ah laga helay Xarunta Penn Biden – oo ah meel xafiis – oo ku taal Washington DC bishii Nofembar. Tan oo markaas aan dadweynaha loo soo bandhigin.

    Baaritaanno la sameeyay bishii Disembar iyo Janaayo ayaa Dukumiintiyo badan lagaga helay guri kale oo Mr Biden uu leeyayah kaas oo ku yaal Wilmington, Delaware,.

    Tirada saxda ah ee diiwaannada sirta ah ee la helay ayaan weli caddayn – in kasta oo ugu yaraan daraasiin la helay intii lagu jiray baadhitaannada bishii dhamaatay ee Jannaayo oo keliya.

    Mr Biden waxa uu sheegay in kooxdiisu ay samaysay “waxa ay ahayd in ay sameeyaan” iyaga oo si degdeg ah ugu wargaliyay saraakiisha, iyo in ay si buuxda ula shaqaynayaan baaritaanka.

    Ka dib baaritaanadii ugu horreeyay ee Janaayo, Mr Biden wuxuu u sheegay saxaafadda in galalku ay ku jireen garaash qufulan.

    “Ma aha in ay jidka iska yaalleen,”Ayuu yiri Biden.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.