Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa lagu ansixiyay fadhiga Golaha Wakiilada Puntland oo lagu ansixiyay?
    Somalia

    Maxaa lagu ansixiyay fadhiga Golaha Wakiilada Puntland oo lagu ansixiyay?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 13, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe, January 13, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

    Guddoomiye Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa fadhiga furay, iyadoo ajanduhu ahaa akhrinta iyo ansixinta xeer-hoosaadka Golaha wakiilladda iyo dhismaha Guddiga joogtada ah Golaha Wakaiillada si waafaqsan qodobka 63-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

    Ugu horeyn, waxaa Goluhu si aqlabiyad ah isula qaatay in lagu sii shaqeeyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada ee horey u jiray inta laga dib u-eegis rasmi ah lagu sameynayo Xeer-hoosaadk. Ansixinta ka dibna waxaa Goluhu ku sameeyey dulmar guud.

    Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Wkaiillada ayaa la wadaagay Xubnaha Golaha dhismaha Guddiga Joogtada ah oo ka kooban 10 madax Guddi, iyadoo Gobol kasta uu ka codsaday inay soo gudbiyaan xubnaha uga mid noqonaya Guddiga joogtada ah, hadii ay isku soo raaci waayaana Goluhu uu kala dooran doono xubnahaas.

    Ugu, Dambeyn Goluhu wuxuu isla qaatay inay dib isagu soo laabtaan Sabtida soo socota taariikhduna tahay 20-ka bisha Janaayo si loo dhammaystiro Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada oo laf-dhabar u ah hawl-socodsiinta Golaha Wakiillada.

    DHAMMAAD.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025
    Latest Posts

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.