Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Xamar?
    Somalia

    Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Xamar?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 18, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muqdisho, 18, Luulyo 2024: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu dhageystay warbixinno kala duwan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka.

    Golaha ayaa Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga iyo Caddaaladda ka dhageystay warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka, howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ee ay ciidanka Qaranku ka wadaan qaar kamid ah gobollada dalka iyo shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Xabsiga dhexe ee Xamar.

    Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu dhagaystay warbixinno kala duwan oo la xiriira, Arrimaha Xajka, Isku-xirka Dowladaha Hoose iyo la tacaalidda dhaawacyada iyo Cudurrada faafa ee ay kamid yihiin Shuban biyoodka, Gawracatada iyo Jadeecada.

    DHAMMAAD

    Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
    Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
    Farxaan Maxamed Jimcaale
    farhan.jimale@opm.gov.so
    media@opm.gov.so
    Muqdisho, Soomaaliya
    www.opm.gov.so
    Twitter:
    @SomaliPM
    Facebook:
    OPMSomalia
    Flickr
    https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
    instagram:
    opmsomalia 

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    September 26, 2025

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.