Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Jubbaland ?+Sawirro
    Somalia

    Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Jubbaland ?+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 21, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta 21-Nofeembar-2019 shir gudoomiyey shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada Dowlad goboleedka Jubbaland.

    Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka warbixiyey xaalada Siyaasadda iyo Amniga ee Jubbaland gaar ahaan xaalada kasoo cusbnaatey degmooyinka galbeedka gobolka Gedo, taas oo uu madaxweynuhu sheegay in aan intaas ka badan laga sii aamusnaan karin go’aan rasmi ahna Jubbaland ka qaadaneyso waxa halkaas ka socda ayada oo loo saarey guddi si faahfaahsan ugasoo warbixiya xaalada gobolka Gedo.

    Shirka golaha wasiirada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sidookale warbixin lagaga dhageystey Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda, Wasaaradda Maaliyadda iyo gudiga dakhliga Jubbaland.

    Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ayaa ka warbixiyey ilaha dhaqaalaha Waaaradda iyo sharciyada ay u diyaarisey shati siinta Maraakiibta, Doomaha kalluumeysatada iyo shirkadaha dhoofiya kalluunka iyo aargoosatada ee deegaanada Jubbaland.

    Wasaaradda Maaliyadda iyo gudiga mideynta dakhliga ayaa ka warbixiyey halka ay marinayaan barnaamijka mideynta dakhliga dowlada taas oo kor loogu qaadayo kobaca dhaqaalaha laguna mideynayo dhamaan ilaha dakhliga ee Dowlad goboleedka Jubbaland, taas oo ay sheegeen inay meel wanaagsan umarayaan caqabadaha jirana sidii loo Xalin lahaa lagu howlanyahay.

    Ugu dambeyn Golaha wasiirada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa hambalyo u diray macalimiinta Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliyaba ayada oo ay maanta ku beegantahay maalinta macallinka aduunka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.