Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa looga xaajooday Kalfadhiga Golaha Shacabka Fadaraalka?
    Somalia

    Maxaa looga xaajooday Kalfadhiga Golaha Shacabka Fadaraalka?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 22, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muqdisho, Luuliyo, 22,2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 2-aad ee wadajirka ah oo ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee xeerka qoondaha ku noqoshada miisaaniyada 2023-ka.

    Kulanka ayaa waxaa goobjoog Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacade. Waxaa fadhiga Golaha looga hadlay akhrinta koowaad ee xeerka qoondaha ku noqoshada Miisaaniyadda 2023-ka, waxaana xildhibaannadu ay su’aalo weeydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iiman Cige.

    Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iiman Cige ayaa sharraxaad ka bixiyay waxqabadka iyo maareynta misaaniyadda sanadka, waxaana uu ka jawaabay dhammaan su’aalihii ay xildhibaanadu weeydiiyeen.

    Gunnaanadka kulankan wadajirka ah waxaa uu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe sheegay in xeerka qoondaha ku noqoshada miisaaniyada 2023-ka la soo akhriyo waxaana lagu wareejiyay Guddiga Maaliyadda Labada Aqal ee BJFS.

    Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shir guddoomiyay kulanka 9-aad ee Golaha Shacabka BJFS, waxaana uu ajandihiisu ahaa qeybinta Hindise Sharciyeedka Hantida Dhowrka Qaranka, waxaana uu Guddoomiyuhu sheegay in kulankan uu yahay qeybin kaliya balse kulanka dambe loogu doodi doono hindise sharciyeedka.

    DHAMMAAD

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.