Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Wasiirada DFS oo meel mariyay Gudoomiyaha iyo Agaasimaha Bangiga Horumarinta
    Somalia

    Golaha Wasiirada DFS oo meel mariyay Gudoomiyaha iyo Agaasimaha Bangiga Horumarinta

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 7, 2024Updated:March 7, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyey Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta Soomaaliya

    Muqdisho, 07 Maarso 2024:-Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu ansixiyay magacaabista Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

    Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee Marwo Hodan Cismaan in ay noqoto Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, halkan Mudane Aadan Rooble uu noqonayo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

    Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xeerka Hey’adaha aan dowliga aheyn, Habraaca Diiwaan-gelinta Gaadiidka iyo Siyaasadda Qaran ee Kormeerka iyo Qiimeynta.

    Golaha Wasiirrada, ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo difaaca dalka ka dhageystay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, iyaga oo golaha faah-faahin ka siiyey howlgallada socda ee sugidda amniga, xasillinta iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

    —DHAMMAAD—-

    Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
    Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
    Farxaan Maxamed Jimcaale
    farhan.jimale@opm.gov.so
    media@opm.gov.so
    Muqdisho, Soomaaliya
    www.opm.gov.so
    Twitter:
    @SomaliPM
    Facebook:
    OPMSomalia
    instagram:
    opmsomalia

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.