Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa xalay ku dhacay WhatsApp, Facebook iyo Instagram?
    Somalia

    Maxaa xalay ku dhacay WhatsApp, Facebook iyo Instagram?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 4, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Baraha xiriirka bulshada ee kala ah WhatsApp, Facebook iyo Instagram ayaa xalay si kooban khadka uga baxay, ka dib markii uu damay hab-dhiska dhexe ee shirkadda iska leh barahaan oo la yiraahdo Meta.

    Abbaarihii 19:00 BST (xilliga xagaaga Britain) oo ku beegneyd 9-kii fiidnimo ee Afrikada Bari ayaa culeys laga dareemay khadka saddexdaas shirkadood oo wallow shaqo ahaan ay kala madaxbannan yihiin, haddana si ahaan isku sidkan maadaama hal meel laga maamulo.

    Cilladdan ayaa laga dareemay meelo kala duwan oo dunida ah, taas oo hadal-hayn weyn ka dhalisay baraha bulshada oo macaamiil gadoodsan ku wadaageen tabashadooda.

    Tillaabadan ayaa maamulka shirkadahaas ku khasbay in macaamiisha kala hadlaan barta X ee horay loo oran jirey twitter, si ay macaamiisha u qanciyaan, iyagoo mid mid ugu xaqiijiyey in cillad yar jirto islamarkaana si dhakhso leh loo xallin doono. Ugu yaraan 2 saacadood ayey Meta ku qaadatay in si buuxda loo soo celiyo Khadka Facebook iyo Instagram.

    Shirkadda Meta oo uu leeyahay Mark Zuckerberg ayaa haysata 3.19 bilyan oo macaamiil ah, ku waas oo ku kala xiran baraha kala ah Facebook, WhatsApp, Instagram iyo Threads.

    Xigasho:-BBC

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.