Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaad ka taqaan Degmada Bursaalax ee Gobalka Mudug ? W/Q: Bashiir Suuley
    Somalia

    Maxaad ka taqaan Degmada Bursaalax ee Gobalka Mudug ? W/Q: Bashiir Suuley

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 22, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Halkani waa Bursaalax. Waa magaalo cammiran kana mid ah magaalooyinka ugu dadka badan uguna hormarsan gobolka Mudug! Magucu waa Bur iyo Saalax oo la isku daray.

    Waxa uuna ka soo jeedaa Oday Saalax oo ka mid ahaa oo ganacsade ka mid ah dadkii ugu horreeyey ee deegaanka dega! Dadka deegaanku ogaantay waxa ay lahaayeen magac guud oo loogu yeero kaas oo looga maarmi jiray in qabiillo loogu yeero, kaas oo ahaa “Camaanyo” mar aan baaray sababta loogu bixiyey magacaasna waxa aan soo helay in Bursaalax ay ka beddelnayd deegaannada ku xeeran kuwaas oo jifooyin hoose oo isku reer ahi u badnaayeen ayaduna ay ahayd meel Soomaali oo dhan kulmisa qabiil walbana laga heli karo! Waana sababta magac guud loogu sameeyey! Camaanyo oo magacyo kale oo kaftan ah gadaal laga raacin jiray waxa uu ahaa mid marka la maqlo qof kasta oo reer Bursaalax ahi dhegta taago.

    Bal aan dib idiin ku cesho waayahaygii Bursaalax iyo 20 sano ka hor (Sannadkii 2000). In kasta oo ay lahayd matoor shaqeeya oo biyo laga cabbo haddana dhanka waxbarashada waxaa aan ka xasuustaa “Private” labo qol ah oo lahaa macallin Xasan.

    Xaruntaasi waxa ay ahayd halka aan ka soo bilaabay hayaankeygii waxbarasho! Waxa uuna ahaa xarunta kaliya ee qalin iyo buug loo qaato ee magaalada oo dhan ku yaallay xilligaas! Maantana dugsiyada iyo macaahidda ku yaallaa waa tiro dhaaf! Ardayda wax ka barata dugsiyada hoose kuwa dhexa iyo sare ba waxa ay gaaraan 5000 oo arday sida aan ka soo xigtay guddoomiyaha waxbarashada ee degmadu, kuwaas oo 85 ka mid ahi sannadkaan ka baxayaa fasaka Afraad ee dugsiga sare.

    Matoorradii biyaha ee aan halka xabbo idiinku sheegay maanta shan! Xarumaha caafimaadkana isbeddel ayaa ayana ku yimid. Waxaaba intaas dheer in ay reer Bursaalax dhisteen labo laami oo dhex mara magaalada kuwaas ah isku tashi lagu dhisay.

    Mar aan weyddiiyey su’aan kaftan ah oo la xiriirtay laamiga oo ay shaaha ku cabbaan waxa iigu jawaabeen in sawirro laga qaaday laamiga oo xiran oo dhisan baabuurtana laga xannibay ka dibna inta la sawiray dad isaga nasanaya loo muujiyey in reer Bursaalax laamiga ku shaahaan.
    Dhaliisha weyn oo aan soo arkay ayaa ah in magaaladu u baahantahay in waddooyin loo sameeyo loona degay qaab isku dhex yaac ah haddii aan hadda laga gaarinna dad badan go’doomin doonta!

    W/Q: Bashiir Suulay

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.