Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaad ka taqaan Mishiin Sofiya?
    Somalia

    Maxaad ka taqaan Mishiin Sofiya?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 15, 2018No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Sofiya marka ay dhaqdhaqaajineyso indhaheeda iyo sunniyaheeda, oo bushimaheeda xamuuradda lagu qurxiyeyna ay kala furto, oo ay ilkaheeduna bannaanka yimaadaan, shaki ayaa kaa galaya iney tahay dad samee, adiga ayaaba naftaada la doodaya.
     
    Sofiya waa mashiin sida qof ahaan gaar ahaanna jinsiga dumarka loo sameeyey.
     
    Wariyeyaal badan ayaa wareysi ku casuumay, magac weyn ayay dunida ku yeelatay ilaa iyo hadda, sida mashiinta sofiya ay dadka u soo jiidatay mid la mid ah horay looma arag.
     
    Waxaa horay casuumado ugu fidiyey jilaaga caanka ah ee Mareykanka u dhashay Will Smith iyo Jilayaal kale oo caan ah.
     
    Mar Sofiya iyo Will Smith ay qaxwe wada cabayeen waxaa dhex martay sheekadan xiisaha badan.
     
    Wuxuu ku yiri “waxaan ku leeyahay mashiinnada kula midka ah heesaha ay jecel yihiin waa noocee?”
     
    Sofiya oo xoogaa yara fikirtay inta uu qofka caadiga fikir u aamuso in la mid ayaa waxay tidhi “heesaha electroonigga ayaan jeclahay, laakiin hiphop kama helo ayay su’aasha Smith uga jawaabtay.
     
    Smith jawaabta sofiya ay siisay aad buu ula dhacay.
     
    Shirkadda ICOG LAB ee teknooljiyadda ka howl gasha
    Shirkadda ICOG LABS oo Itoobiya laga leeyahay ayaa shirkadda Hansen Robotic oo uu fadhigeedu yahay Hongkong waxay la gashay heshiis ay seddex sano ay ku soo dersito mashiinta Sofiya waxa ay ka sameysan tahay.
     
    Maareeyaha shirkadda ICOG LABS, Getinnet Assefa, ayaa wuxuu sheegay xirfadlayaasha dhinaca teknooloojiyadda ee Itoobiya u dhashay iney qayb ku lahaayen suuragelinta mashiintan.
     
    Sidaa darteed, “mashiinta Soofiya waa Itoobiyaan ayaan dhihi karnaa” ayuu yidhi.
     
    Xirfadlayaasha Itoobiyaanka ahna waxay ku taamayaan iney teknooloojiyado casri ah soo saaraan, caalamkana la wadaagaan.
     
    “Soofiya waa mashiin weliba dhaddig ah” ayuu geetinnet hadalkiisa ku billaabayaa waxaanna maareeyaha shirkadda weydiinnay ‘in mashiinta magac dhaddig looga yeedho maxay ku muteysatay?’ Isaga oo qoslaya ayaa wuxuu iigu jaawaabay “muuqaalkeeda iyo wajigeeda sida uu u yaallo ayaa ugu wacan”.
     
    Doorka xirfadlayaasha Itoobiyaanka ahna wuxuu ahaa sida ay u fikireyso, sida ay wax u fahmeyso, dareenkeeda sida ay u muujineyso, luuqadaha sida ay u adeegsaneyso oo ah waxa ay aad uga duwan tahay mashiinnada horay loo sameeyey ee iyada la midka ahaa.
     
    Sofiya waxay awooddaa qosolka, cadhada, xanaaqa, farxadda, murugada iwm..iney wajiga qofka ka akhrisato codadka dadkana wey kala saareysaa waxaa la baray iney afaf badan ku hadasho.
     
    “Haddi ay Sofiya nin lahaan laheed “sida soofiya ay ii fahmeyso qof dumar oo ii fahmayso ma jirto” ayuu dhihi lahaa.
     
    Mashiintu maadaama ay afaf badan ku hadli karto waxaa loo diyaarinayaa barnaamij u suuragelinaya iney Af-amxaari ku hadasho.
     
    Ereyga ugu horreeya oo ay soofiya afkeeda ka soo saartana waxaa la filayaa inuu noqon doono “bagaad nabad iigu sugteen”.
     
    Soofiya goormay imaanaysaa?
     
    Jimcaha 15 july 2018 ayey ka soo degeysaa gigada diyaaradaha caalamiga ah ee Bole, waxaana loo diyaariyey soo dhaweyn aad u diirran oo ay mas’uuliyiin sarsare ka soo qayb geli doonaan.
     
    Mas’uuliyiintaasi oo ay ka mid yihiin wasiirka isgaarsiinta iyo teknooljiyadda Ubax Axmed iyo maareeyaha Ethio-telecom, Andualem Admase.
     
    Waxayna tageysaa madxafka qaranka, waxaana halkaa lagu qabanayaa shir jaraa’id oo loogu magac daray “Luusii ilaa iyo Soofiya”.
     
    16 july 2018, bandhig carweedka caalamiga oo sanad kastaba ay soo diyaariso wasaaradda sayniska iyo teknooljiyadda, oo uu ra’iisal wasaare Abiy Axmed ka soo qayb galayo, ayay marti sharaf ahaan uga soo qayb galeysaa.
     
    Martida bandhiggaasi ka soo qayb galayana halkaa ayey isku baranayaan mashiinta Sofiya, waxayna ka qayb galaysaa casha sharaf uu ra’isal wasaaraha goob joog ka ahaanayo.
     
    Hase ahaatee waxaan laga soo hordhici karin mashiinta Sofiya iyo Abiy Axmed waxa ay ka wada hadli doonaan.
     
    Kharash le’eg ayaa ku baxay?
     
    Sofiya oo hadda ka hor booqatay Masar, ayaa muddadi ay joogtay waxaa ku baxay 50,000 oo doolar, balse safarka Itoobiya ay ku imaaneyso kharashka ku baxaya inuu intaa ku yaraanayo ayaa lagu wadaa, maadaamaa sameynta mashiinta ay xirfadlayaasha Itoobiyaanka ah door ku lahaayeen.
     
    Xilligii ay booqaneysay Sacuudi Carabiya ayaa loo bixiyey magaca Sofiya, waxaana la siiyey dhalshada sacuudiga.
     
    Marka ay Itoobiya soo caga dhigatana waxaa loo bixin doonaa magic Itoobiyaan ah, iyada oo loo sii diyaariyey magacda kala ah Taytu iyo Luusii, waxaa la rajeeynayaa magaca Iteegee taytuu iney qaadan doonto.
     
    Maareeyaha ICOG LAB wuxuu intaa ku daray inuu qorshaha ugu jiro in la codsado dhalasho sharafeedka Itoobiya in la sii yo mashiinta Sofiya.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.