Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaad ka taqaan wiilka Soomaaliga ah ee lafdhabarta u ahaa guulihii Qadar?
    Somalia

    Maxaad ka taqaan wiilka Soomaaliga ah ee lafdhabarta u ahaa guulihii Qadar?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 2, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Akram Xasan Cafiif oo 22 sano jir ah waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda xirfadda sare leh ee sida weyn isha loogu hayo.

    Waxa uu lambarka 10-aad uga ciyaaraa xulka qaranka ee waddanka Qadar, isagoo kaalin mug lehna ka qaatay guulihii at Qadar ka gaartay tartanka koobka Aasiya oo ay ugu dambeyn Jimcadii koobka ku hanteen.

    Mid ka mid ah saddex gool oo ay Qadar ciyaartii finaalka uga badisay xulka Japan ayuu dhaliyay Akram.

    Wuxuu weerarka uga ciyaaraa kooxda Al Sadd, isagoo qaab amAah ah uga soo tagay kooxdiisa Villarreal ee ka dhisan dalka Spain.

    Akram waxaa dhalay Xasan Cafiif oo ah ciyaartoy Soomaali ah oo horay uga tirsanaan jiray xulkii qaranka Soomaaliya ee bari samaadkii.

    Cabdiqaadir Maxamed Faarax (Biriq), oo ka mid ah ciyaartoydii hore ee Soomaaliya ayaa isagoo BBC-da la hadlayay wuxuu sheegay in Akram aabihiis uu soo ahaan jiray nin si fiican loogu yaqaannay xirfadda kubadda cagta.

    “Xasan Cafiif wuxuu ahaan jiray ciyaartoydii qaranka Soomaaliya iyo kooxda Horseed. Wuxuu ahaa weeraryahan aad looga yaqaannay Soomaalia waxaana laga soo xushay ciyaartoydii ka soo jeedday magaalada Kismaayo, anigana waxaan ka mid ahaa dadkii nasiibka u yeeshay iney kasoo barbar ciyaaraan”.

    Saxan Cafiif ayaa ka ciyaari jiray horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya, isagoo lafdhabarna u ahaa xulka qaranka iyo kooxdiisii horseed.

    Dhanka kale, Biriq ayaa sheegay in Akram uu sidii aabihiis u yahay yahay ciyaartoy xirfad sare leh oo mustaqbalkiisu uu ifayo.

    “Waa ciyaartooy da’ yar, adduunyada oo dhanna aad ay maanta u daneyneysaa Akram Cafiif. Ciyaartii Fiinaalka koobka Aasiya wuxuu Akram muujiyay ciyaar heer sare ah. Marka runtii waxaan dhihi karnaa rajo fiican ayuu leeyahay heer aad u sarreeya ayuuna ka gaari karaa kubadda cagta adduunka”.

    Akram Cafiif ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar ku dhashay 18-kii bishii Nofembar ee sannadkii 1996-kii.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    June 21, 2025

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    June 21, 2025

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025
    Latest Posts

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.