Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaan ka naqaanaa Safiirka cusub Ee Maraykanka ufadhiyaya Somaliya?
    Somalia

    Maxaan ka naqaanaa Safiirka cusub Ee Maraykanka ufadhiyaya Somaliya?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 22, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Richard H. Riley, wuxuu haatan ka shaqeeyaa safaaradda Mareykanka ee Canada, halkaas oo uu ka yahay la taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee safiirka.

    Horey wuxuu u soo noqday qunsulka guud ee qunsuliyadda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Peshawar ee waddanka Pakistan.

    Wuxuu sidoo kale xilal sare ka soo qabtay safaaradaha Mareykanka uu ku leeyahay dalal dhowr ah. Mar wuxuu safaaradda Mareykanka ee Norway ka ahaa ku simaha safiirka iyo ku xigeenka arrimaha howlgalka ee safaaradda Oslo.

    Richard H. Riley waxa uu safaaradda Mareykanka ee ku taalla magaalada Kabul ee dalka Afghanistan kasoo qabtay xilka ku xigeenka howlgalka ee safaaradda.

    Waxa uu kaloo soo qabtay ku xigeenka guud ee arrimaha howlgalka Safaraadda Mareykanka ee magaalada Sanca ee Waddanka Yemen.

    Wuxuu ka mid ahaa saraakiil hoggaamineysay koox gaar ah oo Mareyknaka u qaabilsaneyd dib u dhiska gobolka Nangahar ee dalka Afghanistan.

    Wuxuu soo noqday Agaasime ku xigeenkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha Masar iyo dhulka Shaam.

    Richard H. Riley, oo daahfurayay barnaamij booliska Pakistan ka caawinayay la dagaalanka daroogada xilli uu qunsul ka ahaa Pakistan sanadkii 2021-kii.

    Qoraalka sawirka,Richard H. Riley, oo daahfurayay barnaamij booliska Pakistan ka caawinayay la dagaalanka daroogada xilli uu qunsul ka ahaa Pakistan sanadkii 2021-kii
    Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad wuxuu mar kasoo noqday madaxa isku duwidda arrimaha dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka.

    Richard H. Rile,Safiirka cusub ee loo magacaabay Soomaaliya wuxuu sidoo kale kasoo shaqeeyay dalal dhowr oo ay kamid yihiin, Ingiriiska, Ruushka, Shiinaha iyo Jamaiga.

    Wuxuu shahaadada Labaad ee Jaamacadda uu ka heystaa jaamacadda Harvard gaar ahaan qeybta ganacsiga, sidoo kale shahaadada labaad wuxuu ka qaatay jaamacadda National Defense isagoo ku takhasusay culuumta istaraatiijiyadda amniga caalamka.

    Richard H. Rile, wuxuu bartay Luuqadaha Pashto, Carabi, Ruushka, Faransiiska iyo luuqadda Mandarin ee looga hadlo dalka Shiinaha.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.