Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta goobaha dagaallada Madaxweynaha DFS, Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud in uu ka dhex saaro arrimaha ciidamada iyo dagaalka Al-Shabaab Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Maxamed Waare ayaa sheegay in masuuliyadda jabkii ciidamada Xoogga dalka kasoo gaaray weerarkii Al-Shabaab ee Caws-weyne uu leeyahay Wasiir Cabdulqaadir, isagoo ka digay in uu qeyb ka noqdo howlgal Maxaas.
“Mudane Madaxweyne @HassanSMoxamuud, badbaadinta howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo daacadnimadaada, ha keenin Mudanahan, shaqaalihiisa iyo kuwa mas’uulka ka ah dhibaatadii Coosweyne iyo Galacd ee Maxaas. Si wanaagsan kuma dhammaan doono.”
https://twitter.com/HShPrez2Ware/status/1697673802891538591?t=ZpEzYFccJp1oDiRY79pAkQ&s=19
IDILNEWS