Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay Itoobiya ku dhibsatay hadalka Safiirka Maraykanka?
    Somalia

    Maxay Itoobiya ku dhibsatay hadalka Safiirka Maraykanka?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 17, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Itoobiya ayaa Khamiistii diiday khudbad uu jeediyay safiirka Mareykanka oo ku baaqay in si wanaagsan loo ilaaliyo xuquuqda aadanaha, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda ay khudbaddaas ku tilmaantay “mid aan la rabin” iyo “talo-xumo”.

    Isagoo booqanaya dhisme taariikhi ah oo dhowaan dib loo dayac-tiray oo ku yaalla caasimadda Addis Ababa Abacadii, ayaa danjire Ervin Massinga wuxuu ku baaqay “hannaan cadaalad oo hufan” si wax looga qabto warbixinnada ku saabsan dilalka aan sharciga ahayn, xarigga aan sharciga ahayn, tacaddiyada galmada iyo xadgudubyada kale.

    “Cidda ay mas’uuliyadda ka saaran tahay inay maamulaan Itoobiya, dowladda halkan, waddanku wax badan ayuu ka helayaa nabadda marka loo barbar dhigo furimaha dagaalka,” ayuu yiri.

    “In la xiro oo la dhibaateeyo dadka dhaliila dowladda ma xalineyso arrimaha ay tahay in wax laga qabto,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa cambaareysay khudbaddii Khamiista, iyada oo sheegtay in ay ku jireen “eedeymo iyo talo aan loo baahnayn oo ku socda Dowladda Itoobiya.”

    “Hadalkaasi waa mid talo-xun, waxaana ku jira sheegashooyin jaahilnomo ah. Waa mid liddi ku ah xiriirka taariikhiga ah ee saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Maraykanka,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda.

    Khudbadiisa, ayuu Massinga ku ku eedeeyay “dhammaan jilayaasha hubaysan” inay dalka ka geysteen dhibaatooyin bani’aadannimo, oo ay ku jiraan barakicinta rayidka.

    Waxa uu ugu baaqay dagaalyahanada kooxaha kala duwan ee hubaysan, oo ay ku jiraan kooxda Oromada ee OLF — oo ay dawladdu u aragto “urur argagixiso” – maleeshiyada is-difaaca ee Fano iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray-ga (TPLF) in ay dalabkooda ku soo bandhigaan wadahadal halkii ay rabshado ku raadin lahaayeen.

    Itoobiya oo ah dalka in ka badan 80 bulshooyin oo ku hadlay luuqado kala duwan, iyo dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika waxaa sanadihii dhowaa ka jiray dagaalo qowmiyadeed oo ku saleysan dhul sheegasho.

     

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    September 26, 2025

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.