Waa bilow wanaagsan talaabada ay qaaday Dowlada KG….
1.Waxay kusoo ceshanaysaa Dastuurkeedii ay Gacanta ugelisay Xasan Shiikh.
2.Waxay bilow utahay xaqiijinta sharciyadeed ee hay’adaha Dowladeed nidaamkeeda oo ay horay ugu bahdishay rabitaanka Xasan Shiikh.
3.Waxay wax ka taraysaa doorkii kaga aadanaa KG ilaalinta Dastuurka guud ee Dalka.
Laftagareen,isaga,ayaa isdhigay halka uu yaalo oo aqbalay in uu Mw ku ahaado hadalka Xasan,halkii uu ku ahaan lahaa Dastuurka KG iyo kan Fadaraalka.
Haatan,waxaa laga rabaa in uu horay ugu sii socdo talaabada wanaagsan ee uu qaaday oo Laba Qodob sameeyo……
B.Dastuurka KG in uu soo cesho oo sharciyad usameeyo hay’adaha Dowlada KG.
T.Dastuurka Fadaraalka ah in uu garab unoqdo oo si cad uga hor yimaado farataysiga Xasan ku sameeyay Cutubyo ka mid ah.
Laftagareen in la aamino way adag tahay,sababtoo ah,waxaa looga bartay Nin guurguura,waase la eegaya haatan jihada uu aado.
