Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Maxay ka dhigan yihiin go’aamada kasoo baxay Puntland?
    Somalia

    Faallo:-Maxay ka dhigan yihiin go’aamada kasoo baxay Puntland?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 10, 2023Updated:January 10, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Puntland waa Somaliya,Somaliya waa Puntland.

    Yaan ka go’naa oo naga Somalisan,naga soo jireensan?

    Hooyada,iyadaa laga farcamaa ee iyadu farac ma noqoto.

    Puntland weligeed kama tanaasulayso Jamhuuriyada Somali midaysa xataa hadii Xamar ka tagto.

    Go’aamada soo baxay waa fasirid Dastuurada Puntland iyo Fadaraalka iyo doorka PL ee Dowlad dhiska Somaliya.

    Hal Qodob,ayaa ku jira oo ay tahay in ay fahmaan Bulshada Puntland iyo mida guud ee Somaliya kaasoo ah..

    Khalad Siyaasi oo caadifada Somali jacaylku na dhaafisay,ayaa waxaa ahaa in aan ku milano Bartamaha iyo Koonfurta Dalka.

    B.Isku waaqici manihin.
    T.Isku heer Nololeed ma nihin.
    J.Isku heer maamul ma nihin.
    X.Isku heer fahan nidaam ma nihin.

    Anagoo ka duulayna dib udhiska Dowladnimo Somaliyed iyo hirgelinta Fadaraalisimka,ayaan ka tanaasulnay awoodo aan haysanay oo ay ugu horaysay waxqaybsigii Somaliya ee ahaa PL,SL iyo Bartamaha-Koonfurta.

    Haatan go’aamadan waxay soo celinayaan maqaamkaas,waxaana dib wax iskaga waydiinaynaa Jamhuuriyada aan rabno in ay nawada matasho see u ekaanaysaa..

    B.Ma Fadaraalka PL rabtaa?
    T.Ma kala Madax banaanida SL rabtaa?
    J.Ma Dowlada Dhexe ee Xamar laga rabaa?
    X.Ma Konfedereshin baa?

    Somaliyada hada aan haysano waxay ka kooban tahay PL,SL, iyo Bartamaha-Koonfurta sidaasaan wax walba ku qaybsanaynaa kuna wada xaajoonaynaa oo Dowladnimada kuwada dhisanaynaa.

    Tusaale”

    Hargaysa ha qaadato Ra’isalwasaaraha.
    Garowe ha qaadato Madaxweynaha.
    Xamar ha qaadato Caasimada.

    Ama.

    Caasimadu wareegto ha noqoto.

    Madaxweynuhu wareegto ha noqdo.

    Waxaa la joogaa wakhtigii aan fariisin lahayn mustaqbalka nidaamkeenu suu noqonayo.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.