Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay ka dhigantahay in Qatar ay soo dirsatay Safiir Sare (Ambassador Extraordinary)?.WQ.Ashkir Nuur.
    Somalia

    Maxay ka dhigantahay in Qatar ay soo dirsatay Safiir Sare (Ambassador Extraordinary)?.WQ.Ashkir Nuur.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 20, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Xamad ayaa maanta soo magacaabay Safiir sare oo magaciisa la yiraahdo Xasan Xamse Asad Haashim,ka hor inta aynaan u galin fallanqaynta waxa arinkani ka dhiganyahay,aan aqristayaasha la wadaago Waa maxay ergay sare ” Ambassador Extraordinary?.
    Ergay sare waa safiir leh awood dheer safiirada caadiga ah ee diblumaasiyadda,wuxuu qaadan karaa go’aanno qarankiisa dan u ah,wuxuu kala taliyaa madaxda dalkiisa danaha dalka loo diray,wuxuu leeyahay xasaanad buuxda.
     
    Sannadii 1815 ayaa shir ka dhacay dalka Austria gaar ahaan caasimadiisa Vienna lagu kala saaray darajooyinka diblumaasiyadeed,la go’aamiyana in la sameeyo Safiir Sare oo ka mug weyn kan caadiga ah ee la yaqaano.
     
    Haddaba,tilaabadani maxay ka dhigan tahay?!
     
    Waxaan oran karaa dalka Qatar in uu Soomaaliya u arkay in uu yahay dal muhiim ah,loona baahanyahay in siyaasadiisa si dhow loo darso,hardanka iminka jirana kaalin buuxa laga galo,soomaaliya -ka sakow- in ay tahay dhul dihin,misana waa meel istiraatiiji ah,waa goobta 7 badood ee dunida laga xukumo sida uu yiri “Alfred Thayer Mahan” oo ahaa khabiir American ah oo ku xeel-dheeraa Istiraatiijiyadda,dhintayna 1914-kii,wuxuuna yiri qofkii bad weynta India hanta,dhammaan badaha dunida inteeda kale isaga ayaa hantay”. tartanka qaawan ee iminka socdana una dhaxeeya dunida si dekedo iyo marin badeedyo loo helo waxay daba socotaa istiraatijiyadaas fog.
     
    Qatar waxay si fiican ugu kuur-gashay in soomaliya ayan ahayn dal sabool ah,dadkiisu ku hardamayo siyaasad aan meel fog sii jirin,balse ay tahay: dhuuntii qaaradda Africa,ubucdii saamayn lahayd siyaasadda geeska Africa oo dhan,loona baahanyahay in cududda Soomaaliya laga faa’iidaysto xilligaan muhiimka ah.
     
    Maxaa xilligan ku soo beegay?.
     
    Sida aynu wada ogsoonahayba maalmahaan dambe waxaa jiray khilaaf xooggan oo golayaasha dowladda federalka ah ka dhex-aloosnaa,gaar ahaan guddoomiyaha golaha shacabka iyo raysul wasaaraha,waxaana laysku qabtay arimaha heshiisyada qalaad oo ay ka mid yihiin dekedaha,iyo khilaafyo kaloo soo jiitamayay.
    magacaabidda safiirkaan sarena waxay ka dhigantahay in labada dhinac ee is-haya la rabo midkood in si dhaqsa ah loo tuuro,waxayna ku xirantahay awoodaha la isticmaalo.
     
    Madaxda dalka maxaa la gudboon?.
     
    Mar hadday noo muuqatay muhiimadda dalkeenu leeyahay,waxaa loo baahanyahay in aan qaadano siyaasadda loo yaqaan”dhex dhexaadnimada waxtarka leh” waa tan inta badan saldanada Cumaan ku dhaqanto,Turkigana uu Wasiirkeedii hore ee arimaha dibadda ” Abmed Daa’uud Oqlow” uu ka dhigay mid ka mida tiirarka afarta ah ee lagu hago siyaasadooda arimaha dibadda waxa loo yaqaan cadow yaraynta ama dhimista ” Hatred of hostilities” Qatarna ay Sudan u dhistay Dekedda Buurta Sudan,imaaraatkuna isbuucii la soo dhaafay ku shubay Bank-ga dhexe Ee Sudan lacag dhan 4 Trillion oo deen ah,Shalayna Madaxweyne Cumar Al-Bashiir ka degay Qahira,waa siyaasadda “aldaabka furan” maxaa Somalia rakhiis ka dhigay? maynu dhammaan gacmaha u furno,inagoo ilaashanayna danaheena guud,Allow yaa Villa Soomaaliya taladaas iga gaarsiiya!
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    August 25, 2025

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.