Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay ka wada-hadleen Axmed Madoobe & Safiirka Mareykanka ? (Sawirro)
    Somalia

    Maxay ka wada-hadleen Axmed Madoobe & Safiirka Mareykanka ? (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 23, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula kulmey Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yukio Yamomoto.

    Kulanka ayaa lagaga wada hadley xaalada Siyaasada dalka, arrimaha amniga iyo mashaariicda hormarineed ee ay Wakaalada Horumarinta ee Mareykanka (USAID) ka wado deegaanada Jubbaland.

    Xaalada siyaasada ee dalka ayay madaxweynaha Jubbaland iyo safiirku isla qireen muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada si caqabadaha kala duwan ee dalku kujiro si wadajir ah loogu wajaho xalna looga gaaro.

    Sidoo kale kulanka ayaa looga wada hadley arrimaha amniga iyo baahida loo qabo in howlgal loo dhanyahey la qaado kaas oo ay ka qeyb qaadanayaan DFS, Dowlad goboleedyada, Amisom iyo ciidamada mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, howlgalkaas oo noqon kara xalka ugu dhow ee dalka nabadiidka laga sifeyn karo.

    Madaxweynaha Jubbaland ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey ciidamada Mareykanka ee ku sugan magaalada Kismaayo kuwaas oo la howlgala ciidamada Jubbaland qeybahooda kala duwan ee sida joogtada ah ula dagaalama argagixisada ragaadisey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

    Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Dowlada Mareykanka ugu mahadceliyey Wakaalada Horumarinta ee Maraykanka (USAID) taas oo tiro mashaariic ah ka fulisey deegaanada xorta ee Jubbaland.

    Ugu danbeyn safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Yamomoto ayaa Madaxweynaha Jubbaland uga mahadceliyey sida hagar la’aanta ee uga qeyb qaatey intii kaga aadaneyd nidaamka deyn cafinta Soomaaliya.


    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.