Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay ka wada-hadleen Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Amiirka Qatar ?
    Somalia

    Maxay ka wada-hadleen Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Amiirka Qatar ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 18, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kulan kula qaatay Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than.

    Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo Amiir Tamim bin Hamad Al Than ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.

    Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiirka ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday horumarka ay dowladda Soomaaliyeed ku tillaabsatay sedaxdii sano ee lasoo dhaafay iyo sida guulaha laga gaaray isbedelladii la sameeyay ay dalka ugu soo jeedinayaan indhaha maal gashadayaasha caalamka oo Soomaaliya u arka dal ay ka jirto fursad wanaagsan oo ka dhalatay isbedelka guud.

    Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xariir soo jireen ah oo qota dheer iyo iskaashi ganacsi, amni iyo dhaqaale, waxaana dowladda Qatar ay Soomaaliya ka fulisaa mashaariic horumarineed oo looga qayb qaadanayo dib u soo kabashada dalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.