Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay ka wada-hadleen Wasiir Khadiijo Iyo Safiirka Qadar ee Soomaaliya ?
    Somalia

    Maxay ka wada-hadleen Wasiir Khadiijo Iyo Safiirka Qadar ee Soomaaliya ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 10, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta kulan la qaadatay Safiirka Qadat u jooga Soomaaliya Amb. Xamsa Xasan Asad.

    Kulankan ayaa looga hadlay sidii loo horumarin lahaa Isboortiga iyo dhalinta Soomaaliya, waxaana Wasiiradda ka hadashay sid ugu habboon ee loo horumarin karo dhalinyarada.

    “Waxaan saakay la kulmay Danjiraha dowladda Qadar u jooga Soomaaliya Amb. Xamza, waxaa ka wada hadalnay sidii loo horumarin lahaa dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliyeed”ayay tiri Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

    Sidoo kale Wasiirad Khadiijo ayaa tilmaamtay in Wasaaradeeda ay wado dadaalo iyo qorshayaal lagu hormarinayo Isboortiga Soomaaliyeed, dhowaan la qaban doono tartamo isboorti oo ka turjumaya is dhex galka iyo nabadda.

    Danjiraha dowladda Qadar u qaabilsan Soomaaliya Amb. Xamza Xasan ayaa ku boggaadiyay Wasiiradda howlaha ay qabatay, gaar ahaan Tartankii Orodka gaaban ee Jimcihii ka dhacay Muqdisho, waxaana uu balan-qaaday in si dhow Wasaaradda ula shaqeyn doonaan, kana qeyb qaadan doonaan horumarinta Isboortiga iyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.