Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay ka wada-hadleen Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya ? (Sawirro)
    Somalia

    Maxay ka wada-hadleen Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya ? (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 3, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    NAIROBI (IDIL NEWS)-Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya Axmed Ciise Cawad iyo Monica Juma ayaa kulan labo geesood ah ku yeeshay magaalada Nairobi, iyagoo ka wada hadlay soo celinta xiriirkii labada dal ee xumaaday.

    Monica Juma ayaa qoraal ay barteeda Twitterka soo dhigtay ku sheegtay in iyada iyo dhiggeeda Soomaaliya ka wada hadleen sidii xiriirka labada dal uu si caadi ah ugu soo laaban lahaa.

    Waxaa ay sheegtay inay ka wada hadleen xaaladii ka dhashay xiriirka labada dal iyo walaacii Kenya ka qabtay shirkii Shidaalka London ka dhacay 7 February ee sanadkan.

    Sidoo kale waxaa ay sheegtay inay ku heshiiyeen sidii dib loo soo celin lahaa Safiiradii labada dal, ugana laaban lahaayeen goobtooda shaqo.

    Ma jirto wax war ah oo Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ka soo saartay kulankan labada Wasiir Arrimo Dibadeed ee Kenya iyo Soomaaliya.

    Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa mugdi soo kala dhex galay, wixii ka dambeeyay markii Kenya ay sheegtay in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooyin ku yaalla dhul xuduudka ay leedahay, waxaana dalkeeda ka eriday Safiirkii Soomaaliya, una yeeratay safiirkeedii Muqdisho.

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.