Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay kaga wada hadli doonaa Biden iyo Xi kulankooda?
    Somalia

    Maxay kaga wada hadli doonaa Biden iyo Xi kulankooda?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 10, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Joe Biden ayaa markii ugu horreysay muddo sannad ah si fool-ka-fool ah ula kulmi doona Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping Arbacada soo socota, sida uu sheegay Aqalka Cad, iyagoo ka wadahadlaya dublamaasiyad heerkeedu sarreeyo oo lagu doonayo in lagu xakameeyo xiisadda u dhexeysa labada quwadood ee adduunka ugu awoodda badan.

    Kulankan oo si dhow siha loogu wada hayo, dhici doono inta uu socdo shir-madaxeedka Iskaashiga Dhaqaalaha APEC) oo furmay magaalada San Francisco Bay, wuxuu socon karaa saacado, kaas oo sidoo kale ay ka qeybgali doonaan saraakiil iyo mas’uuliyiin ka kala socda Beijing iyo Washington.

    Waxaa la filayaa inay ka hadlaan arrimaha caalamiga ah oo ay ugu horreyso dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, duulaanka Ruushka ee Ukraine, xiriirka North Korea iyo Ruushka, arrinta Taiwan iyo guud ahaan gobolka Indo-Pacific, xuquuqda aadanaha, darooga fentanyl-ka, sirdoonka macmalka ah, iyo sidoo kale ganacsi ku dhisan caddalad, sida uu sheegay saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Biden.

    “Waxba dib looma dhigi doono; wax walba miiska ayay saaran yihiin,” sida laga soo xigtay Sarkaal Mareykan ah oo diiday in magaciisa la xigto.

    Saraakiisha Maraykanka, muddo sannad ah riixayay in shirkan la qabto, ayaa aaminsan in Beijing ay si firfircoon uga shaqaynayso sidii ay u wiiqi lahayd siyaasadda Maraykanka ee caalamka.

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.