Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Maxay kaga wada xaajoodeen kulankoodii Madaxweynayaasha Masar iyo Somaliya
    Somalia

    Video:-Maxay kaga wada xaajoodeen kulankoodii Madaxweynayaasha Masar iyo Somaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 23, 2019Updated:April 23, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    QAAHIRA(IDILNEWS).Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir Madaxeed ku saabsan xaaladaha dalalka Suudaan iyo Liibiya ayaa la kulmay Madaxweynaha Dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi.

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Masar dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka.

    Madaxwaynaha ayaa uga mahad celiyey shacabka iyo Dowladda Masar garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo uu kala dhexeeyo xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo dheef wadaag.

    Dhankiisa, Madaxweyne Al-siisi ayaa ku bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya tallaabooyinka dowlad dhiska ah ee la qaaday, isagoona sheegay in dalkiisu uu sii wadayo taageeridda iyo xaqiijinta midnimada, amniga iyo horumarka Soomaaliya.

    Sidoo kale, Madaxweyne Cabdulfataax Al-sisi waxa uu adkeeyey muhiimadda ay u leedahay dalkiisa in ay si dhaw ula tashadaan, kalana kaashadaan Dowladda Soomaaliya qorsheyaashooda heer qaaradeed muddada xil-madaxeedkiisa Midowga Afrika.

    Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu u sheegay dhiggiisa Dalka Masar in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin dadaallada heer qaaradeed, maadama uu haatan Guddoon u yahay Midowga Afrika.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/j7Q_cp5CVRc
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.