Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump,ayaa Arbacada sheegay in uu ” wada hadal wanaagsan” la yeeshay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, iyagoo wicitaanka kaga wada hadlay duqaymihii diyaaradaha aan duuliyaha ee Ukriane iyo Iran.
Ka dib weerarkii ugu weynaa ee Ukraine ay ka geysatay gudaha Ruushka, Trump wuxuu sheegay in Putin uu u sheegay in Ruushka “ay ku qasbanaan doonaan inay ka jawaabaan weerarkii dhawaan lagu qaaday garoonka diyaaradaha”.
Trump,ayaa sidoo kale ka digay qoraal uu soo dhigay baraha bulshada in taleefoonka oo qaatay in ka badan saacad uusan ” horseedi doonin nabad degdeg ah”.
Labada hogaamiye,ayaa sidoo kale ka wada hadlay Iran, waxaana Putin uu soo jeediyay inuu ka caawin karo wadahadalada Nukliyeerka ee dalkaasi.
IDIL NEWS.