Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay KG iyo JL ka qabaan bixitaanka Ciidamada Itoobiya?
    Somalia

    Maxay KG iyo JL ka qabaan bixitaanka Ciidamada Itoobiya?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 3, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mas’uuliyiin ka tirsan maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubaland,ayaa muujiyey in aysan la dhacsanayn in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka slSannadkan.

    La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa Jimcihii sheegay in dawladda Soomaaliya filayso in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka sannadkan, marka uu dhammaado hawlgalka ATMIS.

    Xuseen Shiikh Cali, oo ka hadlay X Space ay leedahay Idaacadda Goobjoog,ayaa sheegay inay jiri doonaan ciidamo ka socda waddamada kale ee ka tirsan ATMIS oo sii jooga Soomaaliya qaybna ka noqonaya hawlgalka beddelaya ATMIS oo aan weli magac loo bixin, balse la filayo inay xilka la wareegaan laga bilaabo Janaayo 2025-ka.

    Hase yeeshee fikardo taas ka duwan waxaa bixiyey mas’uuliyiin ka tirsan labada maamul oo degaanadooda ay ka hawlgalaan ciidamada Itoobiya.

    Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa u sheegay VOA in ay arrintaasi tahay “Xaalad adag.”

    “Waxaa kaliya oo ka faa’iidaya waa khawaarajta, mana ahan arrin la isku raaci karo dadka wax wada leh,”Ayuu yiri.

    Sidoo kale Wasiirka Amniga ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa oo sheegay in haddii ay Ciidamo Ajnabi ah ay joogayaan Soomaaliya inay jecel yihiin kuna faraxsan yihiin joogitaanka Ciidamada Itoobiya.

    “Haddii hadda Dalka Ciidankaas laga wada saarayana waxay u baahatan yahay in laga tashto oo cid keliya aysan go’aan ka gaari karin. Koonfur Galbeedna way ku faraxsan tahay inay Itoobiya sii joogto,”Ayuu yiir Xasan Cabdulqaadir.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.