Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay ku salaysnayd booqashadii Deni Ee Jordan?
    Somalia

    Maxay ku salaysnayd booqashadii Deni Ee Jordan?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 1, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Deni waxuu booqasho ku tagay Dalka Jordan.

    Maqaadan wax ka badan booqashadaasi saacado,waxuuna kula kulmay saraakiil Maraykan.Israa’iiliyaan iyo Jordaniis ah.

    Kulanka waxuu ahaa mid ka macna badnaa saacadihii koobnaa ee uu dhacay.

    Puntland kulankaas waxay ku heshay heshiis laga taageerayo dib uhabaynta Ciidankeeda Daraawiishta.

    Ugu yaraan 6-Guuto oo Daraawiishta Puntland ah,ayaa si weyn tababar iyo qalab loo siinayaa.

    Puntland waxay kaloo heshiiskan ugu helaysaa garoonka diyaaradaha Garowe Terminal cusub iyo Dhabaha diyaaraduhu ku ordaan oo la siyaadinayo.

    Darafka kale ee heshiiska qaybta ka ahaa oo uu hogaaminayay Maraykanka,ayaa heli doona Saldhig Milatari oo ay ka samaystaan Garoonka diyaaradaha Garowe,waxaana ugu yaraan Saldhigaasi ku fariisan doonaa dhul gaaraya 5-km.

    Heshiiskan waa lakala saxiixday,waxaana bilowday hirgalintiisa.

    Shirkada Frontier Services Group oo ahayd tii shalay la saxiixatay heshiiska balaarinta garoonka Garowe Wasaarada Duulista Hawada Puntland,ayaa qaadatay dhismaha Saldhiga,qalabka iyo balaarinta garoonka.

    Sidoo kale waxaa jira dhawr shirkadood yar-yar oo ku hoos jira shirkada Frontier Services Group oo qaabilsanaan doona arimo ay ka mid yihiin amaanka.

    Frontier Services Group waxay ku taalaa xarunteeda ugu weyn Hong-Kong,iyadoo %35 laga leeyahay,balse guud ahaan waxaa maalgaliye ka ah Eric Dean Prince oo ah aas-aasihii shirkadaha Black Water iyo Saracen,waana ganacsade horayna uga tirsanaan jiray Ciidanka Badda Maraykanka.

    Maraykanka,ayaa xiligan umuuqda in uu xoojinayo saamayntiisa Somaliya una doortay Puntland in ay noqoto halka uu kasoo galayo kana samaysanayo Saldhigiisa ugu balaaran.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.