Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay Puntland uga Duwan tahay 4-ta Maamul Goboleed ee kale?
    Somalia

    Maxay Puntland uga Duwan tahay 4-ta Maamul Goboleed ee kale?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 2, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Siyaasad ahaan Dowladda Puntland way ka miisaan iyo awood badantahay maamulada kale ee qaybta ka ah dowladda Federaalka, taasna waxaa kuugu caddeynayaa Senetor-ada Aqalka Sare marka la qaybinayo waxaa lagu qaybsadaa Maamul Goboleedyo, dhammaan maamul goboleedyada kale ee katirsan dowladda federaalka ah ee somalia waxay qaataan min 8-Senetor halka Puntland ay qaadato 11-Senetor, Waxay taasi kutusaysaa miisaanka siyaasadeed ay Dowladda Puntland leedahay.

    Dhaqaale ahaan Dowladda Puntland way ka dhaqaale badantahay 4-ta maamul ee katirsan dowladda federaalka Somalia waxaana kuugu cadeynayaa arrinkaas, Dowladda Puntland waa maamulka kaliya ee maamula dakhliga kasoo baxa 2-dekadood oo caalamiya shaqeeyana sidoo kale maamula 2-Airport oo Caalami ah iyo 4-Airport oo aan wali noqon kuwo caalamiya balse shaqeynaya dakhlina uu ka soo xaroodo . Waxaa intaas usii dheer Dowladda Puntland inay qaado Cashuuraha Berriga waxayna leedahay 3-kastam oo kukala yaal Bari, Nugaal iyo Mudug. Dhamaan ilahaas dhaqaale ee ay soo xareyso Dowladda Puntland waxba kama galin Dowladda Dhexe waxaa maamusha dhaqalaha ka soo baxana intifaacsada Shacabka iyo Dowladda Puntland.

    Amni ahaan Dhammaan Dhulka ay Ka Taliso Dowladda Puntland 98% ayadaa gacanta ku haysa marka laga reebo buuraleyda golis oo ay ku dhuumaalaystaan kooxaha Daacish. Mana jiraan Ciidamo ay leeyihiin dowladda federaalka iyo dowladaha shisheeye oo ka howlgala gudaha deeganada Puntland, si ay uga qayb-qaataan amniga ballaaran ee kajira deeganada Puntland.

    Waxa intaas ka soo hara oo ah kaalmada yar ee beesha caalamka keento Somalia Dowladda Puntland waajib aas-aasiya bay uleedahay inay ka hesho qoondadeeda maadama magac Somaliyeed lagu soo Qaaday.

    Halkaas markay wax-walba joogaan Dowladda Puntland Maahane majiri karo maamul kale oo diidi kara, hor-istaagi karana damaca shakhsiyadeed ee qof xukunka jooga uu-doonayo inuu ku baabi’iyo heshiis bulsho oo soo jiitamayay 22-sano, ugu danbayntiina Aug, 2012. ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen 825-Ergo ah, oo wakiil ka ahaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

    Biyo-Dhaca qormadaydan oo Kooban.

    Rag waxaan ku maamuli aqaan, ama ku maamuusi,
    Masa inanu nahayoo, tolnimo meerto noo tahaye,
    Oon waliba kaga miil caddahay, miirsi diiddaniye,
    Masalaha ninkaan ii dhigeyn, midig ma saaraayo,
    Ninkii aniga iga maarmi kara, uma muraad yeesho,
    Muska ina Afey gala arlada, kama miciin moodo!

    #AUNSaahid Qamaan ayaa Mariyay Maasadaas.

    #PuntlandFirst

     

    WQ.Jibriil Carab.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.